𝗠𝗮𝘅𝗮𝗮 𝗱𝗵𝗮𝗹𝗮𝗻 𝗸𝗮𝗿𝗮 𝗺𝗶𝗱𝗮𝘄𝗴𝗮 𝘀𝗵𝗶𝗿𝗸𝗮𝗱𝗮𝗵𝗮 𝗯𝗶𝘅𝗶𝘆𝗮 𝗔𝗱𝗲𝗲𝗴𝗮 𝗹𝗮𝘆𝗱𝗵𝗸𝗮?

Bulshada waxa u Dan ah tartanka shirkadaha badan. Haddii shirkado tartan ka dhexeeyaa ay midoobaan, waxa ay u midoobayaan shacabka isticmaala adeeggooda. Midawga shirkadaha korantadu waxa ay Abuuraysaa kooto shirkad kali ah ( Monopoly) taas oo dhib dhaqaale ku ah bushsada, saamayna ku yeelan karta nolosha dadka iyadoo ku xidhan duruufaha iyo xeerarka wadanka ka jira, laakiin waxa suurtagalka ah in natiijadani ka dhalato adeega korantada ee shirkada kali ah ku oo ururay.

1. 𝗦𝗶𝗰𝗶𝗿-𝗯𝗮𝗿𝗮𝗿 𝗸𝘂 𝘆𝗶𝗺𝗮𝗮𝗱 𝗮𝗱𝗲𝗲𝗴𝗮 𝗸𝗼𝗿𝗮𝗻𝘁𝗮𝗱𝗮: Maadaama oo aanay jirin cid suuqa kula tartanta shirkadaha laydhka ee halshirkad isku noqday waxa ay keeni doontaa qiimaha korontadu innuu xoog u kaco ilaa uu gaadho heer la awoodi waayo in dadka qaarkii iska bixiyaan.

2. 𝗧𝗮𝘆𝗮𝗱𝗮 𝗮𝗱𝗲𝗲𝗴𝗴𝗮 𝗼𝗼 𝗵𝗼𝗼𝘀 𝘂 𝗱𝗵𝗮𝗰𝗱𝗮: Maqnaanshaha cid kale oo adeega korantada bixisa waxa laga yaabaa in ay keento hoos u dhac ku yimaada tayada adeegga iyada oo shirkadda lagu midoobay laga yaabo in ay samayn waydo daryeelka macmiilka ama ay cusboonaysiin waydo kaabayaasha adeega korontada. Macaamiisheedu waxa ay la kulmi doonaan waqtiyo jawaab celin oo dheer iyo kalsoonida oo hoos u dhacda haddii ay dhacdo in laydhku maqnaando marar dhawr ah.

3. 𝗫𝘂𝗹𝗮𝘀𝗵𝗼 𝗹𝗮’𝗮𝗮𝗻: ikhtiyaarada macaamiisha ayaa koobnaan doona , maadaama ayna lahayn shirkado ay kala doortaan ta u wanaagsan baahidooda koronto. Doorasho la’aantani waxay yaraynaysaa xorriyadda macmiilka waxayna xaddidaysaa awoodda ay ku dooranayaan bixiyeyaasha adeegga ee ku habboon dookhooda ama baahiyahooda.

4. 𝗛𝗮𝗹-𝗮𝗯𝘂𝘂𝗿𝗸𝗮 𝗮𝗱𝗲𝗲𝗴𝗮 𝗸𝗼𝗿𝗮𝗻𝘁𝗮𝗱𝗮 𝗼𝗼 𝘆𝗮𝗿𝗮𝗮𝗻𝗮𝘆𝗮: Tartanku wuxuu inta badan kobciyaa hal-abuurnimo, dhiirigeliyaa horumarinta tignoolajiyada cusub, waxaanu kor u qaadaa qaadashada ilaha tamarta la cusboonaysiin karo. Marka meesha ay ka jirto kooto ( shirkad kali ahi), dhiirigelinta cilmi-baarista iyo horumarinta ayaa yaraada, taasoo suurtogal ah inay hoos u dhigto horumarka tamarta laydhka.

5. 𝗜𝗻 𝗯𝘂𝗹𝘀𝗵𝗮𝗱𝗮 𝗹𝗮𝗴𝘂 𝗾𝗮𝘀𝗯𝗼 𝘀𝗮𝗮𝗰𝗮𝗱𝗼 𝘁𝗮𝘆𝗮𝗱𝗼𝗼𝗱𝘂 𝗹𝗶𝗶𝗱𝗮𝘁𝗼: waxa suurto gal ah in bulshada laga ilaaliyo saacadaha tayada leh taa badalkeedana la siiyo saacado tayo xun oo xadi badan oo laydh qora.

6. 𝗗𝗮𝗱𝗸𝗮 𝘀𝗮𝗯𝗼𝗼𝗹𝗸𝗮 𝗮𝗵: Shakhsiyaadka ama qoysaska saboolka ah ayaa laga yaabaa inay horeba ula halgamayeen kharashka korontada laydhka, tanina waxa laga yaabaa inay sii xumayso arrinkooda. Haddii shirkadu kordhiso qiimaha si aan xad lahayn waxa ay saameyn kartaa kuwa leh ilo dhaqaale oo xaddidan. Tani waxay culays ku abuuri kartaa qoysaska danyarta ah, taasoo ku adkaynaysa inay awoodaan adeegyada korontada ee muhiimka ah.

7. 𝗜𝘀𝗯𝗶𝘁𝗮𝗮𝗹𝗮𝗱𝗮: Isbitaaladu waxay si weyn ugu tiirsan yihiin koronto aan kala go’ lahayn oo la isku halayn karo si ay u helaan daryeelka bukaanka, qalabka, iyo adeegyada kale ee caafimaadka. Haddi shirkada lagu midoobay horseedo hoos u dhaca tayada adeega ama isku halayntiisa, cusbitaalada waxa laga yaabaa in ay la kulmaan arimo ay ka mid yihiin koronto la’aan. Tani waxay halis gelin kartaa badbaadada bukaanka waxayna caqabad ku noqon kartaa shaqada saxda ah ee qalabka caafimaadka, taasoo saameyn ku yeelan karta bixinta adeegyada daryeelka caafimaadka.

8. 𝗦𝗮𝗮𝗺𝗮𝘆𝗻𝘁𝗮 𝗮𝘆 𝗸𝘂 𝘆𝗲𝗲𝗹𝗮𝗻 𝗸𝗮𝗿𝘁𝗼 𝗪𝗲𝗿𝘀𝗵𝗮𝗱𝗮𝗵𝗮 𝗿𝗼𝗼𝘁𝗶𝗴𝗮, 𝗞𝗮𝗮𝗹𝗺𝗮𝗵𝗮 𝗛𝘂𝗱𝗵𝗲𝗲𝗹𝗮𝗱𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗚𝗼𝗼𝗯 𝗸𝗮𝘀𝘁𝗮 𝗼𝗼 𝗯𝘂𝗹𝘀𝗵𝗮𝗱𝘂 𝗸𝘂 𝘅𝗶𝗱𝗵𝗮𝗻𝘁𝗮𝗵𝗮𝘆: Sida ganacsi kasta oo kale oo ugu tiirsanyahay korantada laydhka, waxaa saameyn doona isbedel kasta oo ku yimaada qiimaha iyo tayada adeega ee ka dhasha isku darka shirkadaha. Maaddaama korontadu ay muhiim u tahay dubista iyo wax soo saarka cuntada, korodhka qiimaha wuxuu si toos ah u saameyn karaa kharashka shaqada ee rootiyada, Hudheelada, shidaalka iyo iwm. Waxaa intaa dheer, hakad kasta oo ku yimaada korontada waxay carqaladeyn kartaa jadwalka wax soo saarka waxayna saameyn ku yeelan kartaa tayada alaabta la dubay, la kariyay ama adeega korontada la xidhiidha.

9. 𝗖𝗮𝗻𝘀𝗵𝘂𝘂𝗿 𝗹𝘂𝗺𝗶𝘀: Maadaama oo xafiisyadii iyo shaqaalihii la koobay waxa ay taasi keenaysaa cashuur lumis. Hoos u dhaca ku yimaada fursadaha shaqo waxay keeni kartaa hoos u dhac ku yimaada dakhliga canshuurta ee bulshada, taasoo saameyn xun ku yeelan karta adeegyada bulshada iyo horumarinta dhaqaalaha.

10. 𝗦𝗵𝗮𝗾𝗮𝗮𝗹𝗲 𝗱𝗵𝗶𝗺𝗶𝗱: Marka ay shirkadaha korontadu isku biiraan, waxa laga yaabaa in ay dib u habayn ku sameeyaan hawlahooda shaqo ee xafiisyada, taas oo ay dhalan karto shaqaale dhimis.

11. 𝗦𝗵𝗮𝗾𝗼𝗮𝗯𝘂𝘂𝗿𝗸𝗮 𝗼𝗼 𝘆𝗮𝗿𝗮𝗮𝗱𝗮: Haddii shirkadda la isku daray ay la kulmaan culays dhaqaale ama ay yareeyaan maalgashiga kaabayaasha tamarta laydhka waxay si xun u saameyn kartaa dhaqaalaha maxalliga ah. Tani waxay saameyn xun ku yeelan kartaa ganacsiga, dhaqaalaha, maalgashiga, shaqada, iyo dakhliga bulshada waxa aanay abuuraysaa shaqobuurka oo hoos u dhaca.

Dayib H. Abdisamad