Guddoomiyaha Baanka JSL iyo Golaha Wakiillada

Guddoomiyaha baanka dhexe ee Somaliland Mudane Cali Cabdillaahi Daahir, oo maanta hortagey fadhigii golaha wakiillada, ayaa mudaneyaasha ka hor akhriyay xeerka rahanka hantida maguurtada ah ee bangiyada JSL.

Guddoomiye Cali ayaa markii uu ka soo baxay fadhiga golaha warbaahinta faahfaahin ka siiyay xeerkan iyo muhiimada uu leeyahay JSL.

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in xeerkani faa’iido weyn u leeyahay Qaranka, koboca dhaqaalaha iyo ganacsiga guud ahaan, waxaanu xusay in xeerkan uu baanka dhexe ee JSL uu soo curiyay, isla markaana uu soo gudbayeen golaha wasiiradda oo ka gutay waajibaadkooda dastuuriga ah, haddana uu horyaalo mudaneyasha golaha wakiillada, waxa uu intaas raaciyay in xeerkani yahay mid kalsooni buuxda siinaya baananka iyo bulshada ay u adeegayaan.

Geesta kale waxa uu tilmaamay in xeerkani yahay mid xukuumadda wakhtigii ugu yara kaga soo gudbay, waxaanu hoosta ka xariiqay in ay shirguddoonka labada gole iyo mudaneyaashuba ay u meel-mariyaan si degdeg ah.