Chad oo Ciidan deg deg ah dalbatay

Dowladda Chad ayaa amar ku bixisay in si degdeg ah loo geeyo ciidamo nabadda ilaaliya, gaar ahaan caasimadda N’djamena.

Arrintan ayaa imanaysa ka dib markii natiijadii ku meel gaadhka ahayd ee doorashadii madaxtinimo ee 6-dii May si layaab leh loo shaaciyay habeenkii Khamiista ee xalay.

Natiijada horudhaca ah ayaa muujinaysa in hoggaamiyaha ku meel gaadhka ah General Mahamat Idriss Deby uu ku guulaystay 61% codadkii la dhiibtay.

Laakiin dhinaca kale Musharax ugu weyn ee la tartamayay, Mr. Success Masra, ayaa sheegtay inuu ku guuleystay, isagoo sheegtay inuu helay in ka badan 73% codadkii la dhiibtay.