๐— ๐—ฎ๐˜…๐—ฎ๐—ฎ ๐—ฑ๐—ต๐—ฎ๐—น๐—ฎ๐—ป ๐—ธ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ ๐—บ๐—ถ๐—ฑ๐—ฎ๐˜„๐—ด๐—ฎ ๐˜€๐—ต๐—ถ๐—ฟ๐—ธ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐—ฏ๐—ถ๐˜…๐—ถ๐˜†๐—ฎ ๐—”๐—ฑ๐—ฒ๐—ฒ๐—ด๐—ฎ ๐—น๐—ฎ๐˜†๐—ฑ๐—ต๐—ธ๐—ฎ?

Bulshada waxa u Dan ah tartanka shirkadaha badan. Haddii shirkado tartan ka dhexeeyaa ay midoobaan, waxa ay u midoobayaan shacabka isticmaala adeeggooda. Midawga shirkadaha korantadu waxa ay Abuuraysaa kooto shirkad kali ah ( Monopoly) taas oo dhib dhaqaale ku ah bushsada, saamayna ku yeelan karta nolosha dadka iyadoo ku xidhan duruufaha iyo xeerarka wadanka ka jira, laakiin waxa suurtagalka ah in natiijadani ka dhalato adeega korantada ee shirkada kali ah ku oo ururay.

1. ๐—ฆ๐—ถ๐—ฐ๐—ถ๐—ฟ-๐—ฏ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฟ ๐—ธ๐˜‚ ๐˜†๐—ถ๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฒ๐—ฒ๐—ด๐—ฎ ๐—ธ๐—ผ๐—ฟ๐—ฎ๐—ป๐˜๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ: Maadaama oo aanay jirin cid suuqa kula tartanta shirkadaha laydhka ee halshirkad isku noqday waxa ay keeni doontaa qiimaha korontadu innuu xoog u kaco ilaa uu gaadho heer la awoodi waayo in dadka qaarkii iska bixiyaan.

2. ๐—ง๐—ฎ๐˜†๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฒ๐—ฒ๐—ด๐—ด๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐—ต๐—ผ๐—ผ๐˜€ ๐˜‚ ๐—ฑ๐—ต๐—ฎ๐—ฐ๐—ฑ๐—ฎ: Maqnaanshaha cid kale oo adeega korantada bixisa waxa laga yaabaa in ay keento hoos u dhac ku yimaada tayada adeegga iyada oo shirkadda lagu midoobay laga yaabo in ay samayn waydo daryeelka macmiilka ama ay cusboonaysiin waydo kaabayaasha adeega korontada. Macaamiisheedu waxa ay la kulmi doonaan waqtiyo jawaab celin oo dheer iyo kalsoonida oo hoos u dhacda haddii ay dhacdo in laydhku maqnaando marar dhawr ah.

3. ๐—ซ๐˜‚๐—น๐—ฎ๐˜€๐—ต๐—ผ ๐—น๐—ฎโ€™๐—ฎ๐—ฎ๐—ป: ikhtiyaarada macaamiisha ayaa koobnaan doona , maadaama ayna lahayn shirkado ay kala doortaan ta u wanaagsan baahidooda koronto. Doorasho laโ€™aantani waxay yaraynaysaa xorriyadda macmiilka waxayna xaddidaysaa awoodda ay ku dooranayaan bixiyeyaasha adeegga ee ku habboon dookhooda ama baahiyahooda.

4. ๐—›๐—ฎ๐—น-๐—ฎ๐—ฏ๐˜‚๐˜‚๐—ฟ๐—ธ๐—ฎ ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฒ๐—ฒ๐—ด๐—ฎ ๐—ธ๐—ผ๐—ฟ๐—ฎ๐—ป๐˜๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐˜†๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฎ๐—ป๐—ฎ๐˜†๐—ฎ: Tartanku wuxuu inta badan kobciyaa hal-abuurnimo, dhiirigeliyaa horumarinta tignoolajiyada cusub, waxaanu kor u qaadaa qaadashada ilaha tamarta la cusboonaysiin karo. Marka meesha ay ka jirto kooto ( shirkad kali ahi), dhiirigelinta cilmi-baarista iyo horumarinta ayaa yaraada, taasoo suurtogal ah inay hoos u dhigto horumarka tamarta laydhka.

5. ๐—œ๐—ป ๐—ฏ๐˜‚๐—น๐˜€๐—ต๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—น๐—ฎ๐—ด๐˜‚ ๐—พ๐—ฎ๐˜€๐—ฏ๐—ผ ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฐ๐—ฎ๐—ฑ๐—ผ ๐˜๐—ฎ๐˜†๐—ฎ๐—ฑ๐—ผ๐—ผ๐—ฑ๐˜‚ ๐—น๐—ถ๐—ถ๐—ฑ๐—ฎ๐˜๐—ผ: waxa suurto gal ah in bulshada laga ilaaliyo saacadaha tayada leh taa badalkeedana la siiyo saacado tayo xun oo xadi badan oo laydh qora.

6. ๐——๐—ฎ๐—ฑ๐—ธ๐—ฎ ๐˜€๐—ฎ๐—ฏ๐—ผ๐—ผ๐—น๐—ธ๐—ฎ ๐—ฎ๐—ต: Shakhsiyaadka ama qoysaska saboolka ah ayaa laga yaabaa inay horeba ula halgamayeen kharashka korontada laydhka, tanina waxa laga yaabaa inay sii xumayso arrinkooda. Haddii shirkadu kordhiso qiimaha si aan xad lahayn waxa ay saameyn kartaa kuwa leh ilo dhaqaale oo xaddidan. Tani waxay culays ku abuuri kartaa qoysaska danyarta ah, taasoo ku adkaynaysa inay awoodaan adeegyada korontada ee muhiimka ah.

7. ๐—œ๐˜€๐—ฏ๐—ถ๐˜๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ: Isbitaaladu waxay si weyn ugu tiirsan yihiin koronto aan kala goโ€™ lahayn oo la isku halayn karo si ay u helaan daryeelka bukaanka, qalabka, iyo adeegyada kale ee caafimaadka. Haddi shirkada lagu midoobay horseedo hoos u dhaca tayada adeega ama isku halayntiisa, cusbitaalada waxa laga yaabaa in ay la kulmaan arimo ay ka mid yihiin koronto laโ€™aan. Tani waxay halis gelin kartaa badbaadada bukaanka waxayna caqabad ku noqon kartaa shaqada saxda ah ee qalabka caafimaadka, taasoo saameyn ku yeelan karta bixinta adeegyada daryeelka caafimaadka.

8. ๐—ฆ๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ฎ๐˜†๐—ป๐˜๐—ฎ ๐—ฎ๐˜† ๐—ธ๐˜‚ ๐˜†๐—ฒ๐—ฒ๐—น๐—ฎ๐—ป ๐—ธ๐—ฎ๐—ฟ๐˜๐—ผ ๐—ช๐—ฒ๐—ฟ๐˜€๐—ต๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐—ฟ๐—ผ๐—ผ๐˜๐—ถ๐—ด๐—ฎ, ๐—ž๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—บ๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐—›๐˜‚๐—ฑ๐—ต๐—ฒ๐—ฒ๐—น๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐—š๐—ผ๐—ผ๐—ฏ ๐—ธ๐—ฎ๐˜€๐˜๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐—ฏ๐˜‚๐—น๐˜€๐—ต๐—ฎ๐—ฑ๐˜‚ ๐—ธ๐˜‚ ๐˜…๐—ถ๐—ฑ๐—ต๐—ฎ๐—ป๐˜๐—ฎ๐—ต๐—ฎ๐˜†: Sida ganacsi kasta oo kale oo ugu tiirsanyahay korantada laydhka, waxaa saameyn doona isbedel kasta oo ku yimaada qiimaha iyo tayada adeega ee ka dhasha isku darka shirkadaha. Maaddaama korontadu ay muhiim u tahay dubista iyo wax soo saarka cuntada, korodhka qiimaha wuxuu si toos ah u saameyn karaa kharashka shaqada ee rootiyada, Hudheelada, shidaalka iyo iwm. Waxaa intaa dheer, hakad kasta oo ku yimaada korontada waxay carqaladeyn kartaa jadwalka wax soo saarka waxayna saameyn ku yeelan kartaa tayada alaabta la dubay, la kariyay ama adeega korontada la xidhiidha.

9. ๐—–๐—ฎ๐—ป๐˜€๐—ต๐˜‚๐˜‚๐—ฟ ๐—น๐˜‚๐—บ๐—ถ๐˜€: Maadaama oo xafiisyadii iyo shaqaalihii la koobay waxa ay taasi keenaysaa cashuur lumis. Hoos u dhaca ku yimaada fursadaha shaqo waxay keeni kartaa hoos u dhac ku yimaada dakhliga canshuurta ee bulshada, taasoo saameyn xun ku yeelan karta adeegyada bulshada iyo horumarinta dhaqaalaha.

10. ๐—ฆ๐—ต๐—ฎ๐—พ๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ฒ ๐—ฑ๐—ต๐—ถ๐—บ๐—ถ๐—ฑ: Marka ay shirkadaha korontadu isku biiraan, waxa laga yaabaa in ay dib u habayn ku sameeyaan hawlahooda shaqo ee xafiisyada, taas oo ay dhalan karto shaqaale dhimis.

11. ๐—ฆ๐—ต๐—ฎ๐—พ๐—ผ๐—ฎ๐—ฏ๐˜‚๐˜‚๐—ฟ๐—ธ๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐˜†๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ: Haddii shirkadda la isku daray ay la kulmaan culays dhaqaale ama ay yareeyaan maalgashiga kaabayaasha tamarta laydhka waxay si xun u saameyn kartaa dhaqaalaha maxalliga ah. Tani waxay saameyn xun ku yeelan kartaa ganacsiga, dhaqaalaha, maalgashiga, shaqada, iyo dakhliga bulshada waxa aanay abuuraysaa shaqobuurka oo hoos u dhaca.

Dayib H. Abdisamad