Kutub lagu wareejiyey Dawladda

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland Aadam Xaaji Cali Axmed oo ay wehelinayeen Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta Sh Maxamed Xaaji Aaadan Cilmi iyo La taliyaha Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Dayib Muxumed Nuur ayaa ka guddoomay 44 kartoon oo Kutub ah, Guddoomiyaha Rugta Dayactirka Kutubta ee Hiil-Qur’aan Jamaal Yuusuf Maxamed.

Mas’uuliyiinta Hiil-Qur’aan ayaa Guddoomiyaha Maxkamadda Sare kutubtay ku wareejiyeen waxa kamid ahaa Tafsiirka Qur’aanka, Axaadiista Rasuulka SCW, Fiqiga iyo kuwo kale.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland Aadam Xaaji Cali Axmed iyo masuuliyiinta Rugta Kutubta ee Hiil-Qur’aan, ayaa iska xog-waraystay hawlaha Hiil-Qur’aan qabato iyo doorka ay kaga jirto dayactirka Kitaabka Qur’aanka ah.

Dhonkooda masuuliyiinta Hiil-Qur’aan ayaa ka warbixiyay hawsha khayriga ah ee ah sare-u-qaadida wacyiga bulshada ee dhanka daryeelka kutubta iyo basrinta Kutubta duugoobay.

 

Wasiirka Diinta iyo Aw-qaafta Somaliland Sh Maxamed Xaaji Aadam Cilmi ayaa ka hadlay ahmiyada kutubtaas, waxaanu Rugta Kutubta ee Hiil-Qur’aan ku boggaadiyay kaalinta wanaagsan ee ay kaga jirto dayactirka iyo kor-yeelida Kitaabkeena Qur’aanka Kariimka.

Gudddoomiyaha Maxkamadda Sare Jamhuuriyadda Somaliland Aadam Xaaji Cali ayaa uga mahad-celiyay Rugta Kutubta ee Hiil-Qur’aan kutubta ay soo gaadhsiiyeen.