Matt Bryden oo Ka Hadlay Cilaaqaadka Somaliland iyo Itoobiya

Hargeysa(GNA)-Matt Bryden oo ah la taliyaha dhinaca Istaraatajiyadda ee machadka SAHAN oo falanqeeya Arrimaha siyaasadda mandaqada Geeska Afrika, ayaa sheegay in Jamhuuriyadda Somaliland aanay wax shaqo ah isku lahayn Soomaaliya muddo ka badan 30 sannadood.

Matt Bryden oo u warramay Wargeyska The Reporter ee ka soo baxa Addisababa oo wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA soo xigatay, ayaa bayaamiyay in cilaaqaadka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Itoobiya ee dhinacyada iskaashiga amniga iyo ganacsigu uu soo jiray muddo dheer isla markaana uu ka dhexeeyo labada dal ee Somaliland iyo Itoobiya xidhiidh soo jireen ahi.

Bryden wuxuu xusay in dawladnimada shaqeynaysa, soohdimaha sugan iyo xasiloonida ka jirta Somaliland ay istaahisho in la garwaaqsado qaddiyadeeda aqoonsiga ay u raadinayso madaxbannaanideeda.

Waxa kaloo uu intaas ku daray in saska ay Soomaaliya ka muujisay heshiiska isfaham ee Somaliland iyo Itoobiya uu ka turjumayo in dawladnimada Soomaaliya tahay mid weyd ah oo aan dhammaystirnayn.

Matt Bryden wuxuu ku booriyay dawladda Itoobiya inay sii wado heshiiska isfaham ee ay la gashay Somaliland.

Khabiir Bryden wuxuu ku dooday in Somaliland ay xidhiidh ganacsi la leedahay Itoobiya iyo dalalka khaliijka carabta isla markaana aanay wax ganacsi ah la wadaagin Soomaaliya.

Wuxuu carabaabay in ilaa toban jeer oo ay kulmeen Somaliland iyo Soomaaliya aanay mar qudha Soomaaliya ogolaan inay ka wada hadlaan qodobbada masiiriga ah ee ay isku hayaan labada dal.

Waxa uu u soo jeediyay Soomaaliya inay aqbasho madaxbannaanida Somaliland.