Midowga Yurub oo xanibaad saaray dal ku-galka Itoobiya iyo sababta

Midowga Yurub ayaa Isniintii ku dhawaaqay inay adkeynayaan shuruudaha fiisaha ee dadka ka imaanaya Itoobiya, iyagoo ku eedeeyay dowladda dalkaas inay ku guuldareysatay inay iska kaashadaan sidii ay dib ugu soo celin lahayd muwaadiniinta lagu helay inay si sharci-darro ah ugu nool yihiin 27-ka waddan ee Midowga Yurub.

Goluhu wuxuu maanta goโ€™aamiyay in si ku meel gaar ah loo hakiyo qodobo ka mid ah sharciga Midowga Yurub ee nidaaminaya bixinta fiisaha muwaadiniinta Itoobiya. Gaar ahaan, hadda ka dib suurtogal uma noqon doonto dawladaha xubnaha ka ah:

Go’aanka ka joojinta waa ku meel gaar laakiin ma qeexayo taariikhda uu dhammaanaayo si gaar ah. Waxaana warbixintaan lagu sheegay in Guddigu ii sii wadi doono horumarada laga sameeyo iskaashiga dib-u-celinta muwaadiniinta Itoobiyaanka ah ee sida sharci darrada ah ku imanaya guud ahaanba wadamada Yurub.

Waddamada Midowga Yurub mar dambe looma oggolaan doono inay ka tanaasulaan shuruudaha waraaqaha qaarkood ama ay bixiyaan fiisooyinka gelitaanka badan.

Saamaynta ugu weyn ee ay yeelanayso ayaa ah in diblomaasiyiinta iyo madaxda Itoobiya ay hadda bixin doonaan kharashka fiisaha safarka. Intaa waxaa dheer, muddada ka baaraandegista bixinta fiisaha caadiga ah ee dadka heysta baasaboorkan hadda waxay noqon doontaa 45 maalmood halkii ay ka ahayd 15.

 

Garabka fulinta ee Midowga Yurub, ayaa wacad ku maray inay u adeegsan doonaan xeerarka fiisaha si ay cadaadis ugu saaraan waddamada inay iska kaashadaan habraacyada masaafurinta. Saddexdii qofba mid keliya ayaa ka taga wadamada Midowga Yurub marka la bixiyo amarka ah in dadka isaga ka tagaan Yurub inta kalena ma baxaan.

Goโ€™aankan ayaa daba socday qiimayn uu gudigu sameeyay, kaas oo lagu soo gabagabeeyay in wada shaqaynta Itoobiya ee dhinaca dib u soo celinta muwaadiniinteeda sida sharci darrada ah ugu sii jooga Midowga Yurub aanay ku filnayn. Waxaa jira jawaab celin la’aanta maamulka Itoobiya ee ku saabsan codsiyada dib-u-celinta iyo dhibaatooyinka joogtada ah ee bixinta dukumentiga safarka degdegga ah iyo habaynta hawlaha dib-u-celinta ikhtiyaariga ah iyo kuwa aan ikhtiyaarka ahayn labadaba.

Itoobiya waxaa hareeyay colaado iyo dhibaato bini’aadantinimo. Iskahorimaadkii labada sano socday ee waqooyiga gobolka Tigray, kaasoo ku dhammaaday heshiis nabadeed bishii Noofambar 2022, ayaa ka dhigtay inta badan dadka gobolka oo 6 milyan ah inay ku tiirsanaadaan gargaarka caalamiga ah.

Wadankuna waa goob ay asal ahaan ka soo jeedaan oo ay maraan muhaajiriinta iyo qaxootiga gobolka Geeska Afrika waxayna xarun u tahay dadka muhaajiriinta ah ee ka soo jeeda Ereteriya iyo Soomaaliya ee doonaya inay gaaraan Yurub ama qaybaha kale ee waqooyiga qaaradda Afrika.

Dhanka Itoobiya

Itoobiya ayaa sheegtay inay aad uga xuntahay xayiraadda fiisaha ku meel gaadhka ah ee uu Midowga Yurub ku soo rogay dadka Itoobiya, iyadoo sheegtay in wada shaqaynta ay dawladda Itoobiya ka muujisay qaabilaadda muwaadiniinteeda sida sharci darrada ah ugu nool Yurub.

Itoobiya oo ka jawaabeysa ayaa sheegtay in mamnuucista fiisaha ku meel gaarka ah aysan ku xisaabtamin wadashaqeynta xooggan ee ka dhaxeysa Itoobiya iyo Midowga Yurub ee ku aaddan dib u celinta muwaadiniinteeda iyo dib u soo celinta bulshada.

Safaaradda ayaa sidoo kale dhaleeceysay goโ€™aankaas oo ay ku tilmaantay mid aan tixgelin la siinin hannaanka dhibka badan ee aqoonsiga.

Sannadkii hore, 380,000 oo muhaajiriin ah ayaa ka tallaabay xudduudaha dalalka Midowga Yurub, waxayna ku galeen “si sharci darro ah”, taasoo ah tiradii ugu badnayd ee gasha dalalka Midowga Yurub tan iyo sannadkii 2016-kii.