Guddoomiye Samaale oo farriin u diray Xisbiyadda Mucaaridka

“Ka dadka ku akhriyaya la inagamaba badin karo oo kursigu dibadduu inoo sii yaallaa been buu u sheegayaa dadkiisa, imikuuna sii billaabay dagaal aan loo baahnayn,” Gud. Cabdicasiis Maxamed Samaale.

 

Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE, Mudane Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa taageero buuxda u muujiyey go’aanka geesinimada leh ee uu madaxweynaha qaranku digreetada ugu soo saaray qabsoomidda doorashooyinka dalka ka qorshaysan dhammaadka sannadkan iyo sida uu ugu dhiirraday inuu degdeg u muujiyo sida uu diyaarka ugu yahay inay dalkan ka qabsoomaan doorashooyin Dimuqraaddi ahi, isaga oo dhinaca kalena digniin u diray qaar kamid ah axsaabta mucaaridka ah oo weli diiddan inay taageerayaashooda u caddeeyaan inay aqbalayaan natiijiyada doorashada kaddib Komishanka qaranku ku dhawaaqi doono.

 

Ugu horrayn guddoomiye Cabdicasiis Maxamed Samaale waxa uu caddeeyey mawqifka xisbiga KULMIYE ee natiijada doorashada, waxana uu sheegay inay hambalyeyn doonaan haddii xisbigooda laga guulaysto, isaga oo axsaabta mucaaridka ah ku adkeeyey inay caddeeyaan inay u hoggaansami doonaan natiijada doorashada.

 

Waxaanu yidhi.“Halkan waxan si cad uga sheegayaa Xisbiga KULMIYE inuu diyaar u yahay haddii doorashada soo socota laga guulaysto inuu hambalyeeyo cidda ka guulaysata ama UCID ha ahaato ama WADDANI ha ahaatee, xisbiyada aanu tartamaynana waxa laga rabaa inay qalbigooda geliyaan marka laga badiyo inay hambalyeeyaan oo muran ma dhalays ah, nalagama badani iyo dad dhintay baa codeeyey sheekadaasi way xarriman tahay.”

 

Guddoomiye-ku-xigeenka KULMIYE, waxa uu ka digay hadallada ay qaar kamid ah madaxda mucaaridku taageerayaashooda ku jaah-wareerinayaan ee ka dhanka ah natiijada doorashada, isaga oo caddeeyey inaan cidna laga aqbali doonin qas iyo fadqalalo ka dhan ah natiijada doorashooyinka soo socda, “Haddii xisbiyada iyo ashkhaasta tartamaysaa ay qalbiga ku hayaan haddii aynu soo bixi weyno yeynaan aqbalin, taasi tartan ma aha, kursiga halkaa yaallana qof uun b aa ku fadhiiisanayee saddex qof kuma wada fadhiisanayaan. Walaalladayada axsaabta kale ee aanu tartamayno qalbiga geliya, dadkiinnana u sheega in haddii la idinka badiyo aad aqbalaysaan, haddii aad taas sheegi weydaan ku talo gala inaad dalka qasaysaan, dalkanina qas ma aqbalayo, ka dadka ku akhriyaya la inagamaba badin karo oo kursigu dibadduu inoo sii yaallaa been buu u sheegayaa dadkiisa, imikuuna sii billaabay dagaal aan loo baahnayn,” ayuu yidhi Cabdicasiis Maxamed Samaale.

 

Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE, Mudane Cabdicasiis Maxamed Samaale waxa uu madaxweynaha ku hambalyeeyey go’aanka degdegga ah ee u uku gaadhay inuu cayimo qabsoomidda doorashada.

 

Waxaanu yidhi. “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxan ku hambalyeynayaa go’aanka geesinnimada leh ee uu muddo 24-saacadood gudahood ah ku saxeexay soo gudbintii Komishanka doorashooyinka, haddii aanu xisbiga kulmiye nahayna waxanu leenahay madaxweyne hambalyo, wixii umaddani u baahnayd ee shacabkani u baahnaa baad madaxweyne qaadatay, doorashadaana sidaa aad digreetada inoogu soo saartay bay inoogu fuli.”

 

Guddoomiyuhu waxa bogaadiyey shaqada hufan ee Komishanka doorashooyinku wadaan iyo sida ay ugu diyaar garoobeen qabsoomidda doorashada, waxana uu caddeeyey inay xisbi ahaan diyaar u yihiin wax kasta oo wada-shaqayn ah oo dhinaca xisbiga KULMIYE looga baahdo, si doorashadu waqtigeeda ugu qabsoonto.

 

Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE, Mudane Cabdicasiis Maxamed Samaale waxa uu bulsahda reer Somaliland ugu baaqay inay doorashada diyaar u noqdaan, iyaga oo midaysanna ay garab galaan Dimuqraaddiyadda iyo hufnaanta ka jirta gudaha Somaliland, isaga oo taageerayaasha KULMIYE-na ugu baaqay inay boodhka ka jafaan xamaasaddii iyo taageeradii luxdanayd ee ay weligoodba xisbiga la garab taagnaan jireen, kaadhadhkoodana diyaarsadaan.