Muxuu yahay Xeerka Golaha Guurtidu ka dooday

Mudanayaasha Golaha Guurtida somalilland ayaa maanta dood ka yeeshay xeerka nidaamka garsoorka ciidamada qaranka Somaliland oo ay gacanta ku hayaan Mudanayaasha Golahaaasi.

Fadhigaas Golaha Guurtida Somaliland oo uu shirguddoominaayey Guddoomiyaha Golahaas Mudane- Saleebaan Maxamuud Aadam ayaa Mudanayaasha Golahaas waxay dood kaga warameen xeerka Nidaamka Garsoorka Ciidamadda Qaranka Somaliland,iyagoo doodoodaas ku xusey qoddobo kala duwan oo ay wax ka baddel iyo kaabis ku sameeyeen, isla markaasina waxay shirguddoonka Golahaas si wado jir ah uga dalbadeen in Guddi kooban loo saaro xeerkaas, si ay u soo naaqishaan xeerka.

Geesta kale Guddoomiyaha Golaha Guurtida ayaa Mudanayaasha Golahaas ku wargaliyey inay guddo galayaan fasax kooban mudada ka hadhsan Munaasibadda Dabaal Degga Xuska 18 May oo maalmo kooban inaga xigaan, waxaanu Guddoomiyuhu kula dardarmay mudanayaasha Golahaas inay kala qaybqaataan xuskaas Bulshadda ku ku nool Goboladda iyo Degmooyinka ee Dalka.