Wasiirro xilka isku-wareejiyey

Wasiirka Wasaarada Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka mudane Raabi Cabdi maxamed oo ay weheliyaan Agaasimaha Guud ee Wasaarada Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka mudane ENG Abdeeq, ayaa maanta xilkii ukala wareejiyay Wasiir ku xigeenkii hore ee Wasaaradda iyo Wasiir kuxigeenka Cusub ee dhawaan madaxwaynaha JSL u soo magacaabay Wasaaraddaasi.

Ugu horayn wasiirka Wasaarada Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka mudane Raabi Cabdi maxamed oo khudbad dheer ka jeediyay xaflada xilwareejinta labada Wasiir ku xigeen xilka kula kala wareegayeen ayaa soo dhaweeyay Wasiir ku xigeenka Cusub, kaasi oo uga waramay Wasaaradda Gadiidka iyo Horumarinta Jidadka Shaqooyinka balaadhan ee Wasaaraddu uga masuulka tahay Qaranka, waxaanu sagootiyay Wasiir ku xigeenkii hore ee Wasaaraddaasi.

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Gaadiidka ayaa soo dhaweeyay isna Wasiir kuxigeenka Cusub ee maanta xilka lawareegay waxaanu sagootiyay wasiir ku xigeenkii hore ee Wasaaraddaasi haatana ah wasiir ku xigeenka Wasaarada Horumarinta Beeraha.

Wasiir kuxigeenkii hore ee Wasaaradda Gadiidka iyo Horumarinta Jidadka mudane Cabdinaasir maxamed Caydiid ayaa umahadnaqay dhammaanba masuuliyiinta Wasaaradda iyo Shaqaale waynaha Wasaaraddaasi sidii wanaagsanayd ee ay ula soo shaqeeyeen mudadii uu Wasaaradda joogay.

Ugu danbeyna Wasiir ku xigeenka Cusub ee Wasaarada ayaa ka mahad celiyay sida wanaagsan ee masuuliyiinta Wasaaraddu ugu soo dhaweeyeen Wasaaraddaasi.