Hoggaanka KULMIYE oo casho-sharaf ku maamuusay Qurbejoogga xisbiga ee dalalka dibadda

Hargeysa:(GNA)-Xubnaha hoggaanka sare ee xisbiga KULMIYE oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna wasiirka arrimaha gudaha Mudane Maxamed Kaahin Axmed, ayaa caawa casho-sharaf ku maamuusay qurbejoogga xisbiga ee dalalka dibadda oo dalka kusoo guryo noqday.
Munaasibadda cashada ah waxa ka qaybgalay guddoomayaha xisbiga KULMIYE, Md. Maxamed Kaahina Axmed, Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad, Mudane Cabdicasiis Maxamed Samaale, ku-xigeenka saddexaad, Mudane Saleebaan Yuusuf Cali-koore, kuxigeenka Afraad, ahna murrashaxa madaxweyne-ku-xigeen, Mudane Maxamuud Xasan Sacad Saajin, guddoomiyaha garabka haweenka, Marwo Sahra Saleebaan Cawil, wasiirro, saraakiil xisbiga katirsan qurbejoogta xisbiga ee dalalka dibadda iyo marti-sharaf kale oo aad u tiro badan.
Xubno ku hadlay ku hadlay laamaha dalalka dibadda oo halkaas ka hadlay, ayaa hoggaanka KULMIYE uga mahadnaqay sida karaamada leh ee ay u qaabileen, uguna sharfeen cashada caawa.
wasiirro iyo masuuliyiin ka socday hay’adaha madaxa bannaan ee dawladda iyo saraakiil ka tirsan xisbiga KULMIYE oo halkaas ka hadlay, ayaa dhankooda ku dheeraaday kaalinta qurbejoogtu ugu jiraan guud ahaan bulshada reer Somaliland iyo xisbiga KULMIYE-ba, waxana ay kula dardaarmeen inay sii laban laabaan dedaalkooda.
Xubnaha hoggaanka ee madasha ku sugnaa oo dhammaantood halkaas ka hadlay, ayaa bogaadiyey kaalinta lama ilaawaanka ah ee qurbejoogtu ugu jirto xisbiga KULMIYE, waxana ay sharraxeen doorkii ay ku lahaayeen guulihii soo taxnaa ee xisbiga KULMIYE kasoo hooyey doorashooyinkii kala dambeeyey ee dalka ka qabsoomay.