Musharax Cirro muxuu ka yidhi arrinta Soomaliya?

Jamhuuriyadda Somaliland madax-bannaanideeda & goonni-isu-taageedu waa go’aan shacab oo ku dhisan doonista (iraadada) shacabka oo aan ka noqosho lahayn, dhammaan siyaasiyiinta, Xisbiyada Qaranka iyo Ururrada siyaasadduna waxa ay u taagan yihiin oo ay ka turjumaan arrintaas. Xisbiga WADDANI waxaa uu hormuud ka yahay xaqiijinta iyo ka-midho-dhalinta himilooyinkaas isaga oo ay u dheer tahay una xusul-duuban yahay, kuna caan baxay Ilaalinta wadajirka, isku-duubnida shacabka iyo Qarannimada Somaliland, sida taariikhda fog & midda dhawiba ka markhaati yihiin, waxaa Xisbiga WADDANI lagu bartay garab-istaagga iyo difaaca Qaranka gaar ahaan maalmaha ay u daran tahay, marna kuma suntana macaash siyaasadeedna kama raadsado kala- irdheynta dadkiisa.

Dhanka kale, Xukuumadda maanta ka jirta Soomaaliya, waxa ay beryahan dambe duullaan qaawan ku soo qaaddaan ummadda reer Somaliland, dal iyo dad ahaanba iyaga oo isku dayaya inay beeraan nac iyo cunfi. Dalka Jamhuuriyadda Somaliland & dadkiisu waraaqo la soo saaro iyo erayo meel laga yidhaahdo midna ka joojin maayaan in ay aayahooda iyo masiirkooda meel mariyaan. Somaliland dib u noqon mayso, cudud iyo caqli baana dadkeedu ku ilaashanayaan jiritaankooda. Sidaas awgeed, iyaga oo arrimahaasi jiraan ayaa beryahan dambe dalkeenna waxaa ku soo badanaya siyaasiyiin aan muddakar ahayn isla markaana aan xilkas ahayn, kuwaas oo u maleynaya in ay ku macaashi karaan qoqobka & kala-qeybinta ummadda reer Somaliland, dhexdoodana raba in ay ka abuuraan fitno hor leh oo keeni karta cawaaqib xumo.

Reer Somaliland-ow, Annigu waxa aan ahay Murashax Madaxweyne oo u taagan wada-jirka ummadiisa, korna u qaadaya is-ahaanshahooda, wax wada lahaanshahooda iyo walaalnimadooda, si weynna ula dagaalamaya siyaasadda duugowday ee ‘qeybi oo xukun-ka’ ku dhisan ee naxliga & kala-qeybinta astaanta ka dhigtay, kuwaasi waxa ay weli fahmi la’yihiin in maxsuulka kala-qaybintoodu dhaawac weyn soo gaadhsiiyey Qarankeenna, shacabkeenna iyo karaamadeenna, tahayna khatarta iyo boogta ugu weyn ee cadawga ummaddani damqaayo maanta.

Annigu ka Murashax Madaxweyne ahaan & ka Xisbi ahaanba, maalinta ay qadhaadhahay, waxaa nalagu bartay in aan kala garanno Qarannimada iyo xifaaltanka dhexdeenna oo hiil iyo hooba la garab istaagno Qarannimadeenna, waxaana tusaale kuugu filan maalintan maalinteedii #25kiiAugust tallaabooyinkii aan qaadnay ee aan Xisbi ahaan & Murashax ahaanba aan Qarankan ku badbaadinay, sidaas awgeed, waxa aan cod dheer taageerayaashayada, waxgaradka iyo haldoorka ummaddayda ugu baaqayaa in aanay la qasan siyaasiyiinta saba-daaqqa ah ee aan lahayn aragtida hiiraalka leh.

Ugu dambeyn, dhammaan dadka reer Somaliland ee dal & dibad ku nool, waxa aan ugu baaqayaa in ay midnimada dhexdooda & wada-jirkooda meel uga soo wada jeestaan, indho feejiganna ku eegaan gedgeddoonka ka socda Geeska Afrika iyo colaadaha ka aloosan mandaqadda aynu ku naal, walaalayaa kor uga kaca yooyootanka dhexdeenna oo aynu u midowno cadowgeenna dibedda iyo siyaasiga gudaha ku jira ee kala qeybinta ummadda raba in uu ku macaasho.

Somaliland Guul & Gobonnimo.
Dr Cabdiraxmaan Cirro
25 August 2024.