Madaxweynaha Jamuuriyadda Somaliland iyo wefti uu hoggaaminayo oo soo Dhaweyn ballaadhan loogu sameeyey Oodweyne

Oodweyne (GNA) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo, ayaa maanta si ballaadhan oo aan kala hadh lahayn loogu soo dhaweeyey magaalada Oodweyne ee xarunta gobolka Daad-madheedh.

Qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan gobolka Daad-madheedh oo ay hormuud u yihiin salaadiinta, cuqaasha, haweenka, dhallinyarada, madaxda xukuumadda u qaabilsan gobolka iyo degmada oo ku lebbisan calanka Jamhuuriyadda Somaliland, caleemo qoyanna lulaya, ayaa madaxweynaha iyo weftigiisa kaga hor yimi jidka dheer ee magaalada ka soo gala dhinaca Bari, waxana ay u gelbiyeen goob fagaare ah oo loo asteeyey in shacabka lagala hadlo.

Ugu horrayn, xubno kamid ah madaxda dhaqan ee gobolka Daad-madheedh oo munaasibadda ka hadlay, ayaa soo dhaweeyey madaxweynaha iyo weftigiisa, waxana ka marag kaceen waxqabadka ballaadhan ee xukuumaddu ka hirgelisay guud ahaanba gobolka Oodweyne iyo deegaannada hoos yimaadda.

Madaxda xukuumadda u qaabilsan gobolka Daad-madheedh, ayaa iyaguna bulshada gobolka ee madaxweynaha soo dhaweyntiisa aan u kala hadhin si mug leh ugu mahadnaqay, waxana ay xuseen in xukuumaddu horumar ballaadhan gaadhsiisay gobolka Daad-madheedh.

Wasiirrada wasaaradaha Arrimaha gudaha, Ganacsiga iyo Xannaannada xoolaha oo hadalka u kala dambeeyey, ayaa bulshada gobolka uga mahadnaqay sida milgaha leh ee ay usoo dhaweeyeen, waxana ay hoosta ka xarriiqeen inay xukuumad ahaan u dedaaleen gobolka wax badan ka qabteen, doorashada kaddibna ay qorsheyaal waaweyn u sameeyeen gobolka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ugu horrayn u mahadnaqay bulshada gobolka Daad-madheedh, waxana uu sheegay inay xukuumad ahaan mashaariic kala duwan ka hirgeliyeen gobolka, islamarkaana bulshada u qabteen wax badan Aasaasiyaadka nolosha bulshada ah.

Ugu dambayntii, madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu xadhigga ka jaray dhisme casri ah oo loo bineeyey dawladda Hoose ee degmada Oodweyne, xafiisyo cusub oo loo dhisay wasaaradaha Biyaha, Beeraha, qaybta Booliska, isaga oo sidoo kale kormeeray Dhaamka weyn ee xukuumadda KULMIYE ka hirgelisay duleedka magaalada Oodweyne, waxana uu dhagax-dhigay xarun cusub oo ay yeelan doonaan ciidanka Asluubtu.