Warbixin: Adduunka oo hubka isu wada cabaystay

Dunidda xabbada ayaa qoryaha dhuunta taagan; Dagaallada Qasa, Ruushka, Ukraine illaa Shiinaha iyo Filibiin!

Dunidda maalinba meel ayay colaaddu ka soo ibxaysa , hadda waxaa qarka u saran in iska horimaad toos ah uu dhex maro Filibiin iyo Shiinaha oo muran qarniya jira uu ka dhaxeeyo, kaaso salka ku haya xuduudaha badda Shiinaha ee loo yaqaano badda koonfurta Shiinaha.

 

Arrintan waxay khatar usoo muuqatay 24 saac ee u dambeysay, markii si kas ah uu Shiinaha u dhibaateeyay diyaarad ilaalo ka ahayd badda koonfurta Shiinaha ee dhinaca Filibiin illaa ay ku dhawaatay inay burburto, horey sidan oo kale Shiinaha ayaa dhowr mar faduul kula kacay doomaha ilaalada Filibiin oo maraakiibtiisa ay biyo ku fureen, hadda Filibiin ayaa sheegtay inuu dulqaadkii ka dhammaaday oo ay qaadi doonaan tallaabo ay uga hortagayaan wax ay ku sheegeen xadgudubka Shiinaha.

 

Filibiin waa dal ku yaalla koonfur bari Aasiya, haddii aan ku siiyo waxa dhici kara haddii Filibin iyo Shiinaha uu dagaal ka dhex -qarxo, waxaan ku sheegi kara Filibiin inay tahay sida dal la mid ah Ukraine oo waxaa joogitaan iyo saameyn ku leh Mareykanka , sidoo kale waxay xarun u tahay hay’adaha sirdoonka reer galbeedka ee ka howlgalla koonfur bari Aasiya, waa daaqad ay iska arki karaan reer galbeedka iyo Shiinaha haddii uu dagaal halkaa ka qarxo.

 

Intii aad horey ula socotay iyo Qasa, markan aan kaga warramo;

 

Maalintii labaad magaalada Qasa waxay noqotay goob laga soo daad gureeyo dhaawaca iyo meydadka ciidanka Israa’iil, kaddib markii ay dhaceen weerarro habka loo diyaariyay aan horey uga dhicin oo waqti isku dhow ay iska caabinta falastiiniyiinta Qasa guutooyinkooda hubaysan fuliyeen. Mar kale maanta diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Israa’iil ayaa buuxiyay hawada Qasa si ay u dad gureeyaan dhimashada iyo dhaawaca askarta Israa’iil.

 

Haddii ay shalay ahayd Al Zaytuun, maanta howlgallo goodmo ah iyo iska horimaadyo toos ah ayaa ka dhacay Deir al-Balah oo ku taal bartamaha marinka Qasa.

 

Haddaba waa maxay istiraajiyadan cusub ee ay la soo baxeen Xamaas oo dhalisay dhimashada askarta badan?

 

Sida laga arkay Al Jazeera, telefishishanka dayax-gacmeedka ku xiran ee Quds iyo shabakadaha kale ee u dhuun daloola dagaalka Qasa, waxay soo bandhigeen hab cusub oo dagaal oo lagu arkay dhaqdhaqaaqa iska caabinta Qasa, haddii aan dib ugu laabano baabi’ii ay shalay la kulmeen ciidanka Israa’iil ee ka dhacay Al Zaytuun, wuxuu ku bilowday weerar gaadmo ah , waxaa xigtay in qaraxyo ay dhaceen oo ka dhex dhacay waddooyinka ay ku socdeen ciidanka israa’iil ee isku dayay inay gurmadka u fidayaan ciidankooda la kulmay howlgalka gaadmada ah.

 

Waxaa soo muuqatay hadda inay waji kale galeen dhaqdhaqaaqyada iska caabinta ah oo ah in howlgalladooda ay ku tiirsanyihiin qaraxyada iyo miinooyinka guryaha iyo waddooyinka lagu xiro, si la mid ah weerarka maanta ka dhacay Deir al-Balah, wax badan kama duwaneen kii shalay ka dhacay Al Zaytuun, qaraxyada iyo madaafiicda garabka laga tuurayo oo uu ka mid yahay Al Yaasin, waxay ahaayeen waxa dhaliyay dhimashada badan iyo dhaawaca askarta israa’iil, si madax bannaan looma soo bandhigin khasaaraha gaaray askarta Israa’iil, balse muuqaallada la baahiyay ayaa soo muujiyay diyaaradaha quumatiga u kaca oo daabulaya askarka Israa’iil.

 

Maxay sidan u sameynayaan Xamaas?

 

Muddada 11 bilood ee dagaalku socdo saddexdii biloodba mar ayaa la arkayay inuu is beddelayay istiraatijiyada dagaal ee Xamaas, waana sababta hadda loo qaadanayo inay sal u tahay dagaalka muddada dheer socda iyo inaysan wax hoos u dhac howlgal ah ka soo muuqaan Xamaas. Isbeddelada howlgallada mar kasta waxaa lagu soo aadinayay marka ay qeylo ka soo yeerto gudaha Israa’iil. Haddii aad la socotay barnaamijyadeenii hore iyo tabinta joogtada waxaan sheegay in Netanyahu uu la kulmayo cadaadis uga imaanaya ciidamada iyo saraakiisha sare, wuxuu cadaadiska ka soo bilowday wasiirka difaaca iyo madaxa sirdoonka oo sheegay in caqabada dagaalka uu yahay Netanyahu, sababtoo ah ma jiro qorshe dagaal oo miiska u saran iyo sawir guul ah oo dagaalka ka soo dhow, isagoo ka dhaga adeygay in xabbad joojin uu qaato, waxaa xigtay inay soo hadleen saraakiisha ciidanka Israa’iil ee ku sugan gudaha Qasa, sida uu baahiyay telefishinka Israa’iil ee Channel 12 , saraakiisha ku sugan Qasa ee ciidanka Israa’iil waxay sheegeen inay suragal ahayn guul ay ka gaari karaan dagaalka, sidaa darteedna loo baahanyahay heshiis xabbad joojint ah, si la mid ah telefishinka Mareykanka ee CNN ayaa isagana saraakiil Israa’iil ah ka soo xigtay waqtigan inay muhiimad u leedahay xabbad joojinta oo ciidanka ku sugan guda Qasa aysan awood u lahayn sii socod siinta dagaalka, taa oo jirta waa idinkii maqlay in Israa’iil ay sheegtay howlgalkoodii dhulka inuu dhammaaday, sababtoo ah xogtii sirdoon iyo khariiradii howlgallada ayaa dhammaaday, taa oo la macno ah ciidanka israa’iil ee ku sugan gudaha Qasa inaysan diyaarin karin howlgallo qorsheysan iyo bartilmaamdyo ay weerarraan, sababtoo ah xarumahooda lagama helayo xog. Intaa oo jirta waa sababta aan hadda u arkeyno in laga soo sheegayo dhimashada iyo dhaawaca badan ee askarta Israa’iil ee ku sugan Qasa, “waa dabkii shidna oo lagu dul shubay baasiin”, waa istiraatijigayad cadaadiska lagu kordhinayo oo Xamaas ayaa ah cidda soo muujiya hannaanka marka kasta oo cadaadis iyo buuq uu ka taaganyahay gudaha Israa’iil , haddana dabka wuxuu ka holcaya guryaha Tel Aviv oo u baroor-diiqaya askartooda , taana waxay neefta ku xireysa Netanyahu…!

 

 

Ugu dambentiina , haddii aan ka warranay dagaalka Qasa, runtii intaa kuguma filna xaaladda dagaal ee dunidda ay wajahayso oo xaalad kale oo walaac leh , khatartuna ku badantahay waxay ka soo ifbaxaysa dhinaca Ruushka iyo Ukraine, run ahaantiina tan iyo dagaalkii labaad ee adduunkan, dunidan lama aysan kulmin waqtigan oo kale oo dhinac walba uu dhiiga ku daadanayo , meel kasta oo hubka dagaalku yaalana uu cabeysan yahay si waqtiga walba loogu diyaariyo in la rido. Xalaadaha is bed bedalaya iyo colaadaha aan dhammaadka lahayn aan waqtigooda u deyna, hadda aan ku siiyo waxa ka socda xafiiska Putin iyo caasimadda cabsida lahayd ee Moscow oo wixii dagaalkii labaad ee dunidda ka dambeeyay loogu yeerayay dhulkii geesiyada, hadda waxaa ay wajahaysa Moscow marxaladii ugu xumeyd, kaddib markii ciidanka Ukraine ay dhulka Ruushka soo galeen iyagoo muddo ka badan labo toddobaad hadda ku sugan gudaha dhulka Ruushka, waxaa xigtay in toddobaadkii hore diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ukraine ay usoo gudbeen Moscow.

 

Arrimahan waxay xaaladda ku xumeeyay sirdoonkii hore iyo hoggaamiyaha waqtiga dheer ee Ruushka ee Putin, kaaso hadda wajahaya fadeexad dagaalka, laakin waxa dhaliyay cabsida waa markii warbaahinta Ruushka ay maanta soo tabisay in Putin uu meelmariyay jawaabta duulaanka ay Ruushka uu ka bixiyo dhaqdhaqyada iyo soo gelitaanka dhulka Ruushka ee ciidanka Ukraine. Lama bixin sharraxaad nooca duulaanka uu noqonaya, laakin haddii aan aragtidayda ku siiyo Putin wuxuu ku qasban yahay inuu sharaftiisa iyo kalsoonida Raashiyaanka ay ku qabeen inuu soo celiyo, sababtoo ah telefishinnada reer galbeedka iyo baraha bulshada ayaa laga arkay ciidan ku soo duulan dhulka Ruushka oo qabsaday oo waliba bahdilaya muwaadiniinta Ruushka oo sidoo kale la bililaqeystay hantidooda, waxaa sidaa sameynaya waa ciidanka ka socda dal saddex sanno uu la dagaallamayo Ruushka, wallow Ukraine ay tahay dhuunta ay reer galbeedka usoo maraan Ruushka oo ay ku hubeeyeen tignoolajiyadooda dagaal ee u dambeysay, haddana dadka Ruushka horey uma sawirran waxa ay arkeen labadii toddobaad ee u dambeysay, taasina waa midda ku waajibinaysa inuu Putin wax sameeyo ama uu isaga tago xafiiska. Haddaba waa inan xasuusano maalmaha inagu soo aadan inay yihiin waqti aan wanaagsaneyn marka laga hadlayo dhinaca dagaalka iyo Ruushka iyo Ukraine, markaa oo aan arki karno Ruushka oo gantaallo ku harqinaya dhulka Ukraine oo caasimadda Kyiv ay ugu horreeyso, sidoo kale kumannaan askari ayaa suragal ah in qeybo ka mid ah dhufeysyada ciidanka Ukraine inuu ku jabiyo Putin siu u usoo muujiyo wax u dhigma waxa ay sameeyeen ciidanka Ukraine ee gudaha usoo galay dhulka Ruushka.

Xigasho: Iman Jama