Madaxweyne Biixi oo Kormeeray Dugsiga Farsamada Gacanta ee Burco

Burco-17-08-2024-(GNA) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane, Muuse Biixi Cabdi iyo Weftigii uu hoggaaminaayey ayaa booqasho iyo indha indhayn ku soo maray Dugsiga Farsamada Gacanta ee Burco (Burao Technical Institute) oo lagu kordhiyey dhismayaal cusub, qaarna la dayac-tiray, laguna siyaadiyey Beero casri ah iyo ceel-biyood iskuulku leeyahay.

Masuuliyiinta iyo maamulka Dugsiga Farsamada gacanta oo madaxweynaha warbixin siiyey ayaa sheegay in dugsigu uu sameeyey horumar ballaadhan islamarkaana hadda ay dhigtaan arday gaadhaysa 600 oo arday, mustaqbalkana ay doonayaan inay ka dhigaan dugsi anfaca dalka oo dhan.

Dhanka kale Wasiirada Wasaaraddaha Arrimaha gudaha iyo waxbarashada oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa u mahad celiyey maamulka dugsigu siday u muujiyeen xilkasnimada baaxadda leh.

Ugu danbayntiina Madaxweynaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane, Muuse Biixi Cabdi ayaa boggaadiyey shaqada wanaagsan ee ay hayaan masuuliyiinta dugsiga farsamada gacanta ee Burco iyo guud ahaanba wasaaradda waxbarashada iyo sayniska, waxaana uu xusay in loo baahan yahay in dedaalka lasii laban laabo si loo xaqiijo guulo la taaban karo.