Madaxweyne Biixi oo furay Xabsi labaad oo Hargeysa laga dhisay

Hargeysa (GNA) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa xadhigga ka jaray xabsi labaad oo uu yeelan doono gobolka Maroodi-jeex, kaas oo laga hirgeliyey deegaanka halleeya ee Bariga caasimadda Hargeysa.

Munaasibadda xadhig-ka-jarka waxa madaxweynaha kala qaygalay guddoomiyaha maxkamadda sare, garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed, xeer ilaaliyaha guud, Mudane Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan, xubno kamid ah golaha wasiirrada, qaar kamid ah taliyeyaasha ciidamada, siyaasiyiin, haldoor iyo marti-sharaf kale, waxana laga jeediyey hadallo salka ku haya muhiimadda uu xabsigani leeyahay iyo baahida loo qabay.

 

Ugu horrayn taliyaha ciidanka Asluubta sarreeye guuto Axmed Cawaale Yuusuf Libaax oo halkaas ka hadlay, ayaa sharraxay muhiimadda uu xabsigani leeyahay iyo sida uu wax badan uga tari doono cidhiidhigii ka haystay dhinaca maxaabiista ay ciidamada Asluubtu gacanta ku hayaan, waxana uu madaxweynaha uga mahadnaqay sida uu ugu dhiirraday in xabsigaasi dhammaystirmo.

 

Wasiirka wasaaradda caddaaladda, Mudane Saleebaan Warsame Guuleed, ayaa dhankiisa bogaadiyey inuu xabsigani dhammaado, waxana uu hoosta ka xarriiqay in xukuumaddu tixgelin gaar ah siisay inay caasimaddu yeelato xabsi labaad oo lagu xareeyo maxaabiista xukunku ku dhacay.

 

Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, Mudane Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan iyo guddoomiyaha maxkamadda sare, Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed oo hadalka u kala dambeeyey, ayaa guul weyn ku tilmaamay in la hirgeiyo xabsi baaxad leh oo lagu labeeyo xabsigii weynaa ee gudaha caasimadda Hargeysa, waxana ay bogaadiyeen masuuliyiinta hawshaas gacanta ku haysa.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo munaasibadda xadhig-ka-jarka hadallo kooban ka jeediyey, ayaa bogaadiyey bahda caddaaladda, waxana uu rajeeyey inuu xabsigani wax badan ka tari xoojinta amniga, waxana uu yidhi, “Bahda caddaaladda waan ku hambalyeynayaa inay dhammaantood ka qayb qaateen dhismaha xabsiga, talo ahaan, aqoon ahaan iyo dhiirrigelin ahaanba, mar labaad na hambalyo, Insha Allah waxa uu noqon doonaa mid wax weyn ka tara amniga dalka.”