Soomaaliya oo ku hungowday mar kale wadahadallada Ethiopia

Wada-hadalladii dhex-dhexaadinta ee magaalada Ankara ee dalka Turkiga uga socda Itoobiya iyo Soomaaliya, ayaa maanta gebi ahaanba burburay, kaddib markii lagu kala kacay ee laysla fahmi waayay qodobadii laysku hayay.

Dowladda Itoobiya, ayaa gebi ahaanba diidday in ay ka noqoto heshiiskii isfahan ee ay la gashay Jamhuuriyadda Somaliland.

Soomaaliya ayaa dhankeeda la shir timi inay iyadu Itoobiya siinayso Bad, marka ay ka noqoto heshiiska Somaliland, taasoo weftiga Addis ababa ka socday ay ku gacan saydheen.

Weftiga Soomaaliya, ayaa caawa ku wajahan dalka Masar halkaas oo ay wada tashi kula yeelanayaan Madaxda dalka Masar, sida uu sheegay Shiine Cilmi Kaahin oo ah wariye ku sugan Dalka Turkey.

Waxaa xusid muddan in wadahadaladii kan ka horeeyay ee u dhaxeeyay Itoobiya iyo Soomaaliya ee ka dhacay dalka Turkiga uu burburay, iyadoona aan wax natiijo ah ama heshiis ah laga gaadhin.

Wadahadalladii hore, Itoobiya, ayaa diiday soo jeedintii Soomaaliya ee ahaa in Itoobiya bad laga siiyo marinka badda Hindiya, haddii ay ka noqoto heshiiska ay la gashay Somaliland ee MOU, iyadoona dowladda Itoobiya meel adag ka taagan tahay heshiiska MOU ee ay la gashay Somaliland.

Itoobiya, ayaa ku adkaysatay rabitaankeeda dekedda Somaliland, waxayna diiday inay ka noqoto heshiiskii isfaham ee ay Somaliland la gashay, taasoo ah arrin hungo iyo faashil ku ah Maamulka Soomaaliya iyo waliba Dawladda Turkey oo wadahadalladan martigelisay.