Bulshada reer Burco oo aan u kala hadhin soo dhaweynta madaxweynaha qaranka iyo weftigiisa

Burco-13-08-2024-(GNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaminayey, ayaa maanta gaadhay magaalada Burco, waxana halkaas si ballaadhan ugu soo dhaweeyey dadweynaha halkaas ku dhaqan.

Qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Burco oo isugu jira cuqaal, salaadiin, waayeel, aqoonyahan, haween iyo dhallinyaro, islamarkaana ay hormuud u yihiin madaxda xukuumadda ee gobolka iyo kuwa degmada, ayaa madaxweynaha iyo weftigiisa kusoo dhaweeyey magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.

Madaxweynaha iyo weftigiisa, ayaa lagu soo dhaweeyey Fardo iyo gaadiid tiro badan oo lagu sharraxay calanka qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, isaga oo madaxweynuhu la lugeeyey bulshadii soo dhaweysay oo taxnayd waddada weyn ee magaalada kasoo gasha dhinaca Qoyta.

Maamulka gobolka iyo xubno kamid ah golaha wasiirrada oo hadallo ka jeediyey goob fagaare ah oo lagala hadlay bulshadii madaxweynaha soo dhaweysay, ayaa soo dhaweynta maanta ku sifeeyey mid taariikhi ah oo muujinaysa taageerada uu madaxweynuhu ku leeyahay guud ahaanba gobolka Togdheer.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo khudbad miisaan leh halkaas ka jeediyey, ayaa u mahadnaqay bulshadii sida diirran usoo dhaweysay, waxana uu ku dheeraaday taariikhda ma guurtada ah ee Burco iyo dadkeeduba ku leeyihiin qarannimada iyo halganka dalka.