Tababar la Jaan-qaadaya Casriga oo loo Furay Warbaahinta Gobolka Awdal

Guddoomiyaha gobolka Awdal Xasan Daahir Xadi iyo isuduwaha cusub ee wasarada warfaafinta Gobolka Awdal Sadam Maxmed Aqli ayaa maanta furay tababar kusaabsan maaraynta masiibooyinka oo hayada Media ink u qabatay saxafiyiinta gobolka Awdal.

Tobobarkan ayaa saaka ka furmay hottel Oslo ee magalada Borama ayaa waxa ka faa’idaysanaaya 15 suxufi, kaasi oo socon doona mudo 21 maalmood ah.

Siciid Xagaa oo ka mid ah madaxda hayada Media ink, islamarkaasi-na ahaa macalinkii bixinayay tababarkan ayaa ugu horeyn faahfaahin ka bixiyay u jeedada tababarkan waxuuna yiri.”Tababarkan waxa uu ku saabsan yahay ka waramida maareynta musiibooyinka dabiiciga iyo anshaxa saxaafada iyo la jaan-qaadista qaybaha dijitalka ee warbaahinta casriga ayaad ku baran doontaan mudada sadaxda todobaad ee aanu wada joogno….”

Sidoo kale Iskuduwaha cusub ee wasaarada Warfaafinta dhaqanka iyo wacyi-galinta gobolka Awdal mud. Sadaam Maxamed Caqli ayaa soo dhaweeyay tababarkan, isagoo warbaahinta gobolka ku booriyay inay ka faaiideystaan mudada uu tababarkan socdo, waxuuna balan-qaaday in uu ka shaqayn doono sidii warbaahinta gobolka Awdal aqoontooda xirfadeed kor loogu qaadi lahaa.

Ugu denbeyntii Gudoomiyaha gobolka Awdal Xasan Daahir Xadi ayaa dhankiisa warbaatinta kula dardaarmay inay anshaxa dhawraan islamarkaana ay shaqadooda ku dabaqaan aqoonta aad tababarkan ku baraneysaan, waxuuna warbaahinta gobolka ka dalbaday inay kala shaqeyso horumarka gobolka iyo xasilooda ka jirta.

Sikastaba ha noqotee maaha markii ugu horeysay ee tababar noocan oo kala ah la siiyo warbaahinta gobolka Awdal, balse waxaa xusid mudan inuu tababarkan kaga duwan yahay kuwii hore loo siin jiray mudada uu soconayo oo ah sadax todobaad halka tababaradii hore ay socon jireen mudo kooban oo ah sadax maalmood oo kaliya..