Xukuumadda Somaliland oo dhambaal ku saabsan Sanadka cusub soo saartay

Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sh.Maxamed Xaaji Aadan Cilmi oo Dhambaal Hamablyo ah udirey Ummada Islaamka ah

WAR-SAXAAFADEED)

Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland Sh.Maxamed Xaaji Aadan Cilmi ayaa dhambaal hambalyo ah udirey Ummadda islaamka ah ,gaar ahaana Shacabka Jamhuuriyadda Somaliland Munaasibada Curashada Sanadka Cusub ee HIJRIGA 1446 .

Wasiirku waxa uu ILAAHAY uga baryayaa inuu shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland iyo shucuubta islaamka guud ahaanba sannadkan Sannadkiisa ku gaadhsiiyo bash-bash, baadhaadhe iyo barwaaqo, inta buktana uu ka dulqaado xannuunka, inta caafimaad qabtana uu u siyaadiyo, intii dhimatayna uu naxariistii janno ka waraabiyo.

Ugu dambayntii Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu Shucuubta Islaamka u rajaynayaa in Sannadka cusub ee Islaamka (1446-H) ula kowsado nabad-gelyo iyo xasillooni buuxda.
Kullu Caam Wa Antum Bikhayr