Khubarro ka socda Dalka Holland oo la kulmay wasiir ka tirsan Xukuumadda Somaliland

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha Mudane Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed ayaa xafiiskiisa ku qaabiley wefti ka socday dalka Netherland. Weftiga waxa hogaaminaysay Anette Hoffman.

Weftigan ayaa ah Khuburo daraasadaha u samaysa Deutsche Bank Germany.Weftigan ayaa doonayay in ay u kuurgalaan fursadaha maalgashi ee Ganacsiyada yar-yar jsl.

Agaasimayaasha Waaxyaha Maalgashiga, Qorshaynta, Cilmi-baadhista, iyo Iskaashiga Dawladda iyo Ganacsiyada gaar ah ayaa waxa ay xog iyo warbixin ka siiyeen Weftiga Cilmibaadhis ay dhawaan Wasaaradu samaysay oo ku saabsan Ganacsiyada yar-yar.

Wasiirka Wasaaradda ayaa uga warbixiyay una sheegay doorka Dawladda ee kobcinta Ganacsiyada yar-yar iyo fursadaha Maalgashi Dawlad ahaan aynu danayno.