Itoobiya ๐ฐ๐š๐ฑ๐š ๐š๐ฒ ๐š๐ก๐š๐ฒ๐ ๐๐š๐ฅ๐ค๐š ๐ค๐ž๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ž๐ž ๐ฆ๐š๐ซ๐ญ๐ข๐ ๐ž๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐ฒ ๐ฌ๐ก๐š๐œ๐›๐ข๐ ๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐ฑ๐ข๐ฅ๐ฅ๐ข๐ ๐ข๐ข ๐ฎ๐ฎ ๐๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐š๐ฒ๐ž๐ฒ ๐’๐ข๐ฒ๐š๐š๐ ๐๐š๐ซ๐ซ๐žโ€ ๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐–๐š๐ซ๐Ÿ๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ง๐ญ๐š

Hargeysa(GNA)- Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ballan qaaday inay sii wadayso dedaalka ay gaashaanka ugu daruurayso ololaha ay wadaan cadowgu ee ka dhanka ah heshiiska isfaham ee ay la saxeexatay Itoobiya.

Sidaasna waxa sheegay Wasiirka Warfaafinta,Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan) oo u warramay Wargeyska ETHIOPIAN HERALD oo ay soo xigatay Wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland wuxuu tilmaamay in heshiiska ay kala saxeexdeen labada dal ee Somaliland iyo Itoobiya uu sababay in dalal dibadeed ay ka qayliyaan heshiiskaas.

Wasiir Cali Xasan wuxuu intaas ku daray in tan iyo markii heshiiska is faham ay isku waafaqeen dawladaha Hargeysa iyo Addis ababa ay soo baxeen dawlado shisheeye oo doonaya inay dhaawacaan hirgelinta heshiiskaas, kuwaasi oo fidiyay dacaayado been abuur ah.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland wuxuu xusay in dalal carbeed oo biyaha webiga Niilka la isticmaala Itoobiya, ay doonayaan inay sida hubka Somaliland ugu adeegsadaan Itoobiya.

โ€œWaddamo Carbeed oo ay webiga Niil wada isticmaalaan Itoobiya ayaa doonaya inay sida hubka noogu adeegsadaan Itoobiya. Hase ahaatee Somaliland ma noqonayso mid sida xabada ugu dhacda Itoobiya,โ€ ayuu yidhi Wasiir Cali Mareexaan.

Wasiirka Warfaafintu wuxuu sheegay inay rumaysan yihiin in Itoobiya tahay dalkooda labaad, wuxuuna caddeeyay in ay Itoobiya garab taagnayd markii taliskii keligii taliyihii Soomaaliya uu baacsanayey isla markaana baro-kicinayay ummadda reer Somaliland.

Waxa kaloo uu intaas ku daray in Itoobiya ahayd dalka kaliya ee martigeliyay, si wanaagsana ula dhaqmay shacabkii reer Somaliland ee taliskii Siyaad Barre dilayeen isla markaana jidh dilayeen.

Wasiir Cali Xasan wuxuu ku dooday in Somaliland aanay khaaโ€™imaynin dalkooda labaad, waxaanu carabka ku dhuftay in Itoobiya tahay halka shacbiga Somaliland u ciirsadaan xilliyada adag.

Waxa kaloo uu intaas raaciyay in dad badan oo ka soo jeeda Somaliland ay degaan Itoobiya.

Wasiirka Warfaafintu wuxuu bayaamiyay in Somaliland awood u leedahay inay goโ€™aamiso masiirkeeda, iyadoo aanay farogelin karin quwado dibadeed.

Wasiir Cali Mareexaan wuxuu carabka ku dhuftay in deganaanshaha iyo wanaagga Itoobiya uu dan u yahay Somaliland, sida Itoobiyaba ay dani ugu jirto Somaliland.