Muxuu Turkigu malaayiinka Dollar ugu bixinayaa Dhismaha Safaarada Soomaaliya?

Turkiga ayaa ka dhisaya Ankara dhisme noqonaya safaaradda Soomaaliya oo qiimahiisa lagu sheegay inay ku kacayso 6 milyan oo dollar , waxaana loo gudbiyay Baarlamaanka Turkiga si ay u ansixiyay.

Tallaabadan ayaa daba socota heshiiskii ay Soomaaliya ku siisay Turkiga dhismaha safaaradda uu ka dhistay caasimadda Muqdisho oo ay ku kacday $65 milyan , taa oo ka dhigtay dhismaha ugu weyn ee diblomaasiyadeed oo caalamka uu Turkiga ku leeyahay , waxayna ku fadhisaa cabir dhan 61,000 sqm, iyadoo Soomaaliya ku beddelatay 4,918 sqm oo dhul ah oo ku yaal aagga diblomaasiyadda Ankara ee loogu yeero Incek,halkaa oo Turkiga uu ka dhisayo safaaradda Soomaaliya oo ka mid noqonaysa dhismayaasha diblomaasiyadda ee ugu qiimaha sarreeya ee ku yaalla Ankara.

Heshiiskan markii loo gudbiyay Baarlamaanka wuxuu durba dhaleeceyn kala kulmay warbaahinta mucaaradka Turkiga . Sozcu, oo ah wargeyska maalinlaha ah ee ugu weyn mucaaradka, ayaa boggiisa hore ku daabacay, warbixin ay ku diiddayaan dhaqaalaha badan ee lagu bixinaya dhismaha safaaradda Soomaaliya. Laakin dhab ahaantii mucaaradka Turkiga waxay iska indha-xirayaan faa’iidada Turkiga ee Soomaaliya oo balaayiin doollar ka hela, sidoo kalana la siiyay mid ka mid ah dhulka ugu muhiimsan ee Muqdisho oo dhinaca ku haya xeebta.