Madaxweyne Ku xigeenka JSL ayaa ka digay xeerka doorashooyinka ee maanta la ansixiyay

Hargeysa, February, 17, 2024-  Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici, ayaa sheegay in xeerka doorashooyinka ee maanta golaha guurtidu ansixiyeen uu yahay mid dhaawacaya midnimada Somaliland, isla markaana la midi-roorteeyay.

Waxaanu yidhi. “Saaka waxa la ansixiyay xeer dano gaar ah u adeegaya, oo aan u adeegayn danta guud ee umada reer Somaliland, xeerkan la ansixiyay qayb kamid ah bulshada ayuu xaqooda duudsiyaya, waxan leeyahay xeerkaasi yuuna mar labaad qaranka jar ka tuurin”.

Waxa uu sheegay in xeerka maanta la ansixiyay uu ahaa mid duu duub lagu ansixiyay oo aan marnaba xildhibaanada loo ogolaan in ay akhriyaan, isla markaana uu khataryahay.

Waxaanu yidhi. “Waxan hubaa haddii aan xeerka laga gurmanin in doorasho la eedaa ay ka dhici doonto qaranka Somaliland.”