Golaha guurtida Somaliland ayaa ansixiyay xeerarka is saarka doorashooyinka iyo xeerka ciidanka Qaranka JSL


Fadhigii saaka ee goloaha guurtida Somaliland uu Shir-guddoominayay guddoomiyaha golahaasi Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa markii uu fadhigu furmay waxa uu xildhibaanada ku wargeliyay in ay maanta ansixin doonaan Xeerarka Isa-saarka Doorashooyinka iyo Xeerka Ciidanka Qaranka.

Guddoomiye Saleebaan ayaa intaas kadib cod geliyay Xeerka guud ee doorashooyinka Xeer Lr. 91/2023, intaas kadibna waxa uu ku dhawaaqay natiijada, waxaanu sheegay in golaha ay ka soo xadireen 68 Mudane, isla markaana 66 Mudane ogolaadeen, 1 Mudane diiday, cid ka aamustayna aanay jirin, guddoomiyuhuna aanu codayn sidaasina uu ku ansaxay.

Sidoo kale waxa uu cod geliyay xeerk ururada iyo asxaabta siyaasada Xeer Lr.14/2023, waxaanu sheegay in 66 Mudane u codeeyeen, 1 Mudane diiday, cid ka aamustayna aanay jirin, guddoomiyuhuna aanu codeyn sidaasna uu ku ansaxay.

Geesta kale guddoomiye Saleebaan waxa uu isna codgeliyay xeerka Ciidanka Qaranka JSL, waxa uu sheegay in 65 Mudane u codeeyeen, 2 Mudane ayaa diiday, cid ka aamustayna majirto, sidaasi ayuu ku ansaxay.

Gaba-gabadii Xeerka Guud ee Doorashooyinka Qaranka ayaa Gollaha Guurtidu ku wareejiyay Golaha Wakiillada Somaliland