Xukuumadda oo Raashin Kaalmo ah gaadhsiinaysa laba Gobol

Guddoomiyaha hay’adda U Diyaar Garowga Aafooyinka iyo Kaydka Raashinka Qaranka Somaliland Faysal Cali Sheekh Maxamed, ayaa maanta daah furay qaybinta raashin la gaadhsiin doono bulshada ku nool gobollada Awdal iyo Selel.

Sidoo kale waxa uu sheegay guddoomiye Faysal in wejigan cunto qaybinta ee ay ka bilaabayaan deegaannada hoos yimaada gobollada Awdal iyo Selal uu yahay wejigii ugu dambeeyey ee mashruucan oo muddo soo socday.

Guddoomiyaha hay’adda U Diyaar Garowga Aafooyinka iyo Kaydka Raashinka Qaranka JSL, waxa uu sheegay in la qaybin doono 4500 oo qoys raashinkood, iyada oo lagu qaybin doono 14 goobood oo hoos yimaada magaaladda Boorama ee xarunta gobolka Awdal, 8 tuulo oo degmada Lughaya hoos yimaada iyo 8 tuulo oo degmada Baki ah.

Geesta kale waxa uu tilmaamay in ay deeqdan raashinka ah ku qaybin doonaan 10 tuulo oo hoos tagga gobolka Selel, waxa aannu cadeeyay guddoomiyuhu in deeqdan raashinka ah la gaadhsiin doono dadka jilicsan ee u baahan.

Gaba-gabadii waxa uu sheegay in Kaalmooyin raashin ah ay sannadkii tagey ka qaybiyeen gobollada Maroodijeex, Togdheer, Saaxil, Sanaag, Saraar, Hawd, Daad Madheedh, Tirada guud ee qoysaska ay sannadkii tegay u qaybiyeen deeqahan raashinka ay ahaayeen 38 kun oo qoys, kuwaas oo u dhigma 228,000 oo qof raashinkooda.