Xabsi ayaa lagu xukumay kaddib markii uu amaanay Dal kale

Maxkamad ku taal Kuuriyada Koonfureed ayaa nin 68 jir ah ku xukuntay 14 bilood oo xarig ah, kadib markii uu gabay ku ammaanay Waqooyiga.

Lee Yoon-seop ayaa gabaygaan tirayay sannadkii 2016-kii, sida ay sheegtay warbaahinta Kuuriyada Koonfureed.

Waxa uu gabaygiisa ku sheegay in haddii labada Kuuriya ay ku midoobi lahaayeen nidaamka hantiwadaagga ee Pyongyang, dadku ay heli lahaayeen guryo, daryeel caafimaad iyo waxbarasho bilaash ah.

Waxaa lagu helay dambi sida uu dhigayo sharci mamnuucaya in dadweynaha ay ammaanaan Kuuriyada Waqooyi.

Gabaygan oo cinwaankiisu ahaa (sida ay u midoobi karaan labada Kuuriya) waxaa kale oo uu sheegay in Kuuriyada midaysan, ay dad aad u yar baahi ku jiri lahaayeen

Waxa uu Internet-ka soo dhigay faallooyin uu ku ammaanayo millatariga Kuuriyada Waqooyi sanadkii 2013-kii, isaga oo ku dhejiyay qoraallo ka dhan ah dawladda Kuuriyada Koonfureed.