Wasiir Toorno oo Kormeeray goobaha waxbarashada

๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐–๐š๐ฑ๐›๐š๐ซ๐š๐ฌ๐ก๐š๐๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐’๐š๐ฒ๐ง๐ข๐ฌ๐ค๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐š๐ฅ๐ง๐ ๐š๐ฒ๐š๐š ๐Š๐จ๐ซ๐ฆ๐ž๐ž๐ซ๐š๐ฒ ๐ช๐š๐š๐ซ ๐ค๐š ๐ฆ๐ข๐๐š ๐ƒ๐ฎ๐ ๐ฌ๐ข๐ฒ๐š๐๐š ๐ฆ๐š๐ ๐š๐š๐ฅ๐š๐๐š ๐‡๐š๐ซ๐ ๐ž๐ฒ๐ฌ๐š

ย 

๐‡๐€๐‘๐†๐„๐˜๐’๐€ -(GNA)Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska JSL, Mudane Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), oo ay weheliyaan Gudoomiyaha Xafiiska Imtaxaanaadka Qaranka, Agaasimayaasha Waaxaha Kormeerka iyo waxbarashada Tooska ah ayaa kormeeray qaar kamida dugsiyada magaalada Hargaysa.

Kormeerkan ayay u jeedadiisu ahayd xog-ogaal u noqoshada sida waxbarashadu uga socoto dugsiyada, ayaa dhammaanba ka bilaabmay magaalada Hargeysa, waxaanay wasaaraddu maanta si rasmiya u kala dirtay kooxaha ka shaqayn doona kormeerka.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Axmed Maxamed Diiriye Toorno, ayaa dugsiyadii ay kormeerka ku sameeyeen fasaladii ay waxbarashadu ka socotay mid mid u galay, isla markaana warbixino ka dhagaystay maamulayaasha dugsiyada iyo ardaydaba.

Kormeerkan ayaa mid ah kormeero kala duwan oo laga fulinaayo dhamaanba dagmooyinka iyo gobollada dalka.