๐๐ซ๐จ๐Ÿ: ๐…๐š๐ซ๐š๐ญ๐จ๐จ๐ง ๐จ๐จ ๐ฅ๐จ๐จ ๐๐จ๐จ๐ซ๐ญ๐š๐ฒ ๐†๐ฎ๐๐๐จ๐จ๐ฆ๐ข๐ฒ๐š๐ก๐š ๐†๐จ๐ฅ๐š๐ก๐š ๐–๐š๐ค๐ข๐ข๐ฅ๐š๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐

๐‡๐€๐‘๐†๐„๐˜๐’๐€ -(GNA) Prof: Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon ayaa ku guulaystay aqlabiyada codadka doorashadii guddoonka Golaha Wakiilada Somaliland, isaga oo sida ku noqday guddoomiyaha golaha ee cusub.

Xildhibaan Faratoon ayaa helay codadka 46 Xildhibaan oo kamid ah 81 xildhibaan oo codeeyay, halka Xildhibaan Maxamed Khadar Daahir Mooge, oo la tartamayay uu helay codadka 35 xildhibaan, doorashada oo saaka ka qabsoontay aqalka golaha wakiilada ee magaalada Hargeysa.

Xildhibaan Cali Xaamud Jibriil oo si wayn Faratoon kursiga ugula tartamayay ayaa xalay xili danbe tanaasulay, kadib markii uu sheegay in qaar kamid ah xildhibaano ay is ku gobol kasoo jeedeen oo uu isku halaynayay ay dhabarka u jeediyeen.

Prof: Faratoon ayaa kursigan hore ugu tartamay sannadkii 2021 kadib markii lasoo doortay xubnaha golaha wakiilada ee hadda jooga, xiligaas oo uu doorashada kaga guulaystay guddoomiyihii xilka ka tagay ee Cabdirisaaq Khaliif Axmed.

Hadaba, Faratoon oo kasoo jeeda gobolka Sool ee colaaduhu ka taagnaayeen bilihii lasoo dhaafay ayaa sheegay in haddii la doorto uu ka shaqayn doono daminta colaada ka taagan gobolka.