๐—๐ฎ๐ค๐ฎ๐ฎ๐ฆ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ oo ๐ค๐š ๐ฃ๐š๐ฐ๐š๐š๐›๐ญ๐š๐ฒ ๐ฐ๐š๐ซ๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ง ๐–๐‡๐Ž soo saartay oo la xidhiidha xarumaha Caafimaadka Laascaanood

๐‡๐€๐‘๐†๐„๐˜๐’๐€ -(GNA)Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in aanay jeclaysan warbixintii ay hayโ€™adda Caafimaadka Adduunka ee WHO Khamiistii kaga warbixisay burburka uu dagaalku u gaystay xarumaha caafimaadka Laascaanood.

Qoraal kasoo baxay Wasaarada arrimaha Dibaadda Somaliland ayaa lagu sheegay in ciidamada Somaliland ay dhulka iyo shacabka Somaliland ka difaacayaan argagixiso iyo maleeshiyo beeleed, isla markaana ay sameeyeen dadaal kasta oo lagu ilaalinayo shacabka iyo danta guud.

โ€œWaxaanu samaynay dadaalkasta si aanu u ilaalino noloshada dadka iyo kaabayaasha shacabka oo ay ku jiraan isbitaalada iyo xarumaha adeega caafimaadka, sannado badan ayay dowladu ka shaqaynaysay dhismaha iyo horumarinta xarumahan, waxayna siisay adeeg caafimaad oo balaadhan dadka reer Laascaanoodโ€ ayaa lagu yidhi qoraalka.

Waxa lagu sheegay in Somaliland ay ku dadaashay in ay gargaar aadaminimo gaadhsiiso shacabka colaada ku barakacay, isla markaana loo baahanyahay in WHO la shaqayso xukuumadda Somaliland.

โ€œWaxaanu ku dhiirigalinaynaa WHO in ay la shaqayso dowlada Somaliland si dadka colaadu saamaysay ay u helaan adeeg caafimaadโ€ ayaa lagu yidhi qoraalka.

Hayโ€™adda Caafimaadka Adduunka ayaa Khamiistii sheegtay in duqaymo lala beegsaday qaar kamid ah xarumaha caafimaadka Laascaanood ay dhibaato soo gaadhsiiyeen adeegyada caafimaadka.