๐Ÿ’๐ŸŽ ๐ญ๐š๐ก๐ซ๐ข๐ข๐›๐ž๐ฒ๐š๐š๐ฅ ๐š๐ก ๐จ๐จ ๐ฅ๐š๐ ๐ฎ ๐ฅ๐šโ€™๐ฒ๐š๐ก๐š๐ฒ ๐ฑ๐ž๐ž๐›๐š๐ก๐š ๐“๐š๐ฅ๐ฒ๐š๐š๐ง๐ข๐ ๐š

In ka badan 40 qof ayaa la laโ€™yahay kadib markii doon ay saarnaayeen ay ku degtay jasiiradda Lampedusa ee dalka Talyaaniga, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Masiibadan ayaa Khamiistii dhacday, waxaana ugu yar dadka la laayahay ilmayar oo dhawaan dhashay, sida uu sheegay wakiilka UNHCR ee Talyaaniga Chiara Cardoletti.

Markabkan oo ka soo ambabaxay magaalada Sfax ee dalka Tunisia ayaa waxaa la socday 46 muhaajiriin ah oo u kala dhashay dalalka Cameroon, Burkina Faso iyo Ivory Coast, sida uu qaxiijiyay Flavio Di Giacomo, oo ah afhayeenka hayโ€™adda socdaalka Qaramada Midoobay ee IOM.

Doonta ayaa ku rogmatay dabeylo xooggan iyo mowjado aad u sarreeya, ayuu yidhi. โ€œQaar ka mid ah kuwa badbaaday ayaa loo qaaday Lampedusa kuwa kalena waxaa lagu soo celiyay Tunisiaโ€.

โ€œDadka la laโ€™yahay waxaa ku jiray toddobo dumar ah iyo qof aan qaan-gaadhin, dadka badbaaday ayaa dhamaantood ah rag qaangaar ah,โ€ ayuu raaciyay.

๐€๐๐….