โ€œ๐—ฃ๐˜‚๐—ป๐˜๐—น๐—ฎ๐—ป๐—ฑ ๐˜„๐—ฎ๐˜…๐—ฎ๐˜† ๐—ธ๐—ฒ๐—ฒ๐—ป๐˜๐—ฎ๐˜† ๐—ฐ๐—ถ๐—น๐—บ๐—ถ ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐˜‚๐˜‚๐—ป๐—ธ๐—ฎ ๐—ธ๐˜‚ ๐—ฐ๐˜‚๐˜€๐˜‚๐—ฏโ€๐— ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐˜…๐˜„๐—ฒ๐˜†๐—ป๐—ฒ ๐—•๐—ถ๐—ถ๐˜…๐—ถ

๐—•๐—˜๐—ฅ๐—•๐—˜๐—ฅ๐—” -(GNA)Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa Puntland ku eedeeyay in ay doonayso in ay samayso dal ku dhisan hayb qabiil oo aan Soomaaliya iyo Somaliland midna ahayn.

Biixi ayaa sheegay in Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Dani uu doonayo in uu dhibaato Puntland ka jirta ku xaliyo dagaalka Laascaanood.

Waxaanu yidhi.โ€Raโ€™ayiga qaladka ahi socon maayo hadii aad ku xalinayso mushkilad gudahaaga ka jirta Sool ayaan ku duulaya, oo gudahaaga baalaayo ka taagantahay, oo aad isleedahay ku xali Somaliland ayaan ku duulaya, khasaare mooye guul kala kulmimayside ogowโ€.

Waxa uu sheegay in Puntland ay doonayso in ay samayso dal cusub oo aan Soomaaliya iyo Somaliland mid toona, ahayn, oo hayb qabiil ku dhisan taasi oo uu ku tilmaamay mid aan suuragal ahayn.

Waxaanu yidhi.โ€Huwanta laguu sheegaya waa qayb Al shabaab ah iyo Puntland oo Soomaaliya kamid ah, oo cilmi cusub oo adduunka ku cusub keentay, oo leh si qabiila oo hayba, ayaanu u samaynaynaa dal dhexe oo aan Soomaaliya-na ahayn Somaliland-na ahayn, taasi mid suurogalaysa maahaโ€.

Madaxweynaha ayaa sheegay in aanay suuragal ahayn in xuduudaha Somaliland oo kali ah la badalo, hadaba garaadada SSC ayaa iyaguna dhankooda doonayo in gobolada SSC ay Somaliland ka baxdo oo Muqdisho laga xukumo hada kadib, taasi oo sal u ah xiisada taagan.