Caymiska shaqaalaha Dawladda oo laga hadlay

๐—ž๐˜‚๐—น๐—ฎ๐—ป ๐—น๐—ฎ๐—ด๐—ฎ๐—ด๐—ฎ ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฟ๐—ถ๐—ป๐˜€๐—ฎ๐—ป๐—ฎ๐—ป๐—ฎ๐˜†๐—ฎ๐˜† ๐˜€๐—ถ๐—ฑ๐—ถ๐—ถ ๐˜€๐—ต๐—พ๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐—ฑ๐—ผ๐˜„๐—น๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐—น๐—ผ๐—ผ๐—ด๐˜‚ ๐—ต๐—ฒ๐—น๐—ถ๐—น๐—ฎ๐—ต๐—ฎ๐—ฎ ๐—–๐—ฎ๐˜†๐—บ๐—ถ๐˜€ ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐—–๐—ฎ๐—ฎ๐—ณ๐—ถ๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ ๐—ฎ๐˜†๐—ฎ๐—ฎ ๐—น๐—ฎ๐—ด๐˜‚ ๐—พ๐—ฎ๐—ฏ๐˜๐—ฎ๐˜† ๐—ต๐—ฎ๐˜†โ€™๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐˜€๐—ต๐—ฎ๐—พ๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ฎ๐—ต๐—ฎ.

Guddoomiyaha hayโ€™adda shaqaalaha dowladda Somaliland, ayaa guddoomiyay shir ay isugu yimaadeen guddoomiyaha iyo guddoomiye ku xigeenka hayโ€™adda Caymiska Qaranka, kuna wehelinayeen agaasimaha guud ee hayโ€™adda shaqaalaha iyo agaasimaha Machadka tababarka shaqaalaha dowladda iyo saraakiil kale oo ka tirsan hayโ€™adda shaqaalaha Dawladda.

Shirkan ayaa lagaga hadlayay sidii shaqaalaha dowladda loogu heli lahaa Caymis jaban iyo adeegyo Caafimaad oo qiimahoodu hooseeyo dalka oo dhan.

Madaxda shirkan ka qayb gashay ayaa halkaa ku lafaguray samaynta nidaam ku habboon oo shaqaalaha dawladda iyo eheladooduba ay ku heli lahaayeen adeegyo caafimaad oo jaban iyo caymis.

Hawshan ayaa waxa si wada jir ah uga wada shaqayn doona hayโ€™adda Shaqaalaha Dawladda iyo hayโ€™adda Caymiska Qaranka, iyaga oo isla qaatay in la dejiyo istiraatiiyaddii hawshaas lagu hirgelin lahaa mustaqbalka dhow, isla markaana la joogteeyo shirarka noocan ah si dhamaystirka hawshani u noqdo mid taabbo qaada.