๐——๐—ฒ๐—ด๐—บ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—š๐—ฎ๐—ฟ-๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐—ด ๐—ผ๐—ผ ๐—น๐—ฎ๐—ด๐—ฎ ๐—ฑ๐—ต๐—ฎ๐—ด๐—ฎ๐˜… ๐—ฑ๐—ต๐—ถ๐—ด๐—ฒ๐˜† ๐—ฏ๐—ฎ๐—ฟ๐—ป๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐—ท๐—ธ๐—ฎ ๐˜๐—ฎ๐˜†๐—ฎ๐˜†๐—ป๐˜๐—ฎ ๐—ฐ๐—ฎ๐—น๐—ฎ๐—ณ๐—ธ๐—ฎ ๐˜…๐—ผ๐—ผ๐—น๐—ฎ๐—ต๐—ฎ

Agaasimaha guud wasaradda xanaanada xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga Dr. Axmed Cali Maax, ayaa degmada Garโ€™adag gaar ahaan deegaanka Balan-baal ka dhagax dhigay mashruuca horumarinta iyo tayaynta calafka xoolaha oo ay iska ka shadeen, wasaradda xanaanada xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga iyo hayโ€™adda FAโ€™O .

Dhagax dhiga mashruucan waxa goobjoog ka ahaa guddoomiye ku xigeenka gobolka Sanaag, maayarka deg Garโ€™adag, taliyaha saldhiga ee degmadaasi iyo xildhibaano ka tirsan golaha Deegaanka ee degmadaasi, waxaan dhammaan soo dhaweeyeen dhagax-dhiga mashruucan.

Mashruuca horumarinta calafka xoolaha, ee laga bilaabi doono deegaanka Balan-baal waxaa siweyn usoo dhaweyay bulshada Degaanka, waxaanu wax badan ka bedeli doona abaaraha soo noq-noqda, bulshada xoola dhaqatada ah.