32 Guurrada Xuska 18-ka May ee Maanta Maxay kaga Duwanayd Kuwii hore?

Dabaal-degii xuska 18-ka May ee maanta waxay noqonaysaa sanad guurradii 32-naad ee ka soo wareegtay gooni isku-taaga Jamhuuriyadda Somaliland oo ay shacabkeedu u dabaal-degaan.

Dabaal-degan maanta ayaa aad uga duwanaa xusaskii 18-ka May, ee sanadahan, isla-markaana wuxuu ahaa mid ay si weyn u xamaasadaysnaayeen dadweynuhu.

Waxaana ka muuqatay marka aad u fiirsato shucuurta ay bulshadu muujisay in ay ahaayeen kuwo qiirro iyo xamaasad aad u weyn oo ay u qaabeen dabaal-dega maalintan.

Iyadoo damaashaadkii maanta ay isugu soo baxeen kumanaan ka mida shacab weynaha ku nool caasimadda Hargeysa, oo daawanayay ciidamadii kala duwanaa ee gaardiska ku marayay fagaarihii ay madaxweynaha, madaxweyne ku-xigeenka, iyo masuuliyiinta kale salaanta kaga qaadanayeen.

Kuwaasoo intoodda badani ay ku lebisnaayeen Dhar ama Maryo, ka samaysan calanka Jamhuuriyadda Somaliland.

Halka qaarkoodna ay ruxayeen, ama ay siteen calanka dalka, isla markaana ku dhawaaqayay erayo ay ku muujinayeen sida ay ugu heelan yihiin qarankoodda.

Sidoo kale waxyaabaha u gaarka ahaa dabaal-degii sannadkan ee 18-ka May, waxaa ka mid ahaa in dhawrkii habeen ee ina dhaafay ay dadweynaha caasimadda ku nooli u sii qiiraysnaayeen ama sugi la’aayeen inta la gaadhayo maalintan qiimaha u leh qaranka.

Waxaana jirtay in kumanaan dhalinyaro ahaa inay habeenkii isugu soo baxayeen fagaaraha Khayriyadda ee caasimadda Hargaysa.

Waxa kaloo aan ka soo qaadan karnaa waxyaabihii ku cusbaa xuska 18-ka May, ee maanta in qiyaas ahaan 95% in dadweynuhu ay ku lebisnaayeen Dhar ka samaysan, ama lagu xardhay calanka Somaliland.

Cududda ciidamadda kala duwan ee qalabka sida iyo saanadaha milateri ee dhoola-tuska lagu sameeyay ayaa ahaa kuwo ka duwanaa noocyadii hore loogu arki jiray xusaskii 18-ka May.

Geesta kale waxaa jirtay in goboladda Sanaag, Awdal, Togdheer, Gabiley, iyo meello kaleba in ay gaardis ku mareen guutooyin ka tirsan ciidamadda milateriga Somaliland.

Iyadoo sanadihii hore xuska 18-ka May, ee goboladda dalka aanay ka qayb qaadan jirin ciidamadda milaterigu.

Marka laga reebo caasimadda Hargaysa oo ay dhoola-tuska ku samayn jireen. Taasoo muujinaysa in xuska sanadkan uu aad uga duwanaa kuwii hore.