Golaha Guurtida oo ka hadlay dhacdooyin ka dhacay Ceerigaabo

Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland ayaa ka hadlay Xaalada Nabadgalyada gobolka Sanaag, waxaanu mudanayaasha kula dardaarmay in ay si dhaw ula socdaan wixii ka soo kordha xaalada gobolkaasi.

Fadhigii maanta ee golaha guurtida Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir-guddoominayay guddoomiyaha golahaasi mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa markii uu fadhigaasi furmay waxa uu guddoomiye Saleebaan ka hadlay rabshado wakhti kooban socday oo ka dhacay magaalada Ceerigaabo oo sababay dhimashada hal ruux iyo dhaawaca dhawr qof.

Saleebaan Maxamuud Aadan guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland waxa uu sheegay uu in shaqaaqadaasi yar ee ka dhacday magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag, ciidamada ammaanku daminteeda ku guulaysteen, waxaanu mudanayaasha golahaasi u soo jeediyay in ay si dhaw ula socdaan haddii ay wax ka soo kordhaan iyo haddii kaleba.

Geesta kale mudanayaasha golahaasi ayaa loo qaybiyay ajandahooda kalfadhiga 81-aad, kaasi oo guddoomiyuhu ka codsadey mudanayaashu in ay soo naaqishaan si loo meelmariyo, isla markaana ay ugu shaqeeyaan mudada golahaasi ku jiro Kalfadhigiisa Dastuuriga ah.