Xildhibaan Guuleed oo la kulmay masuuliyiin Swedish ah

Xildhibaan Guuleed Maxamed Warsame oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa kulamo kala duwan la yeeshay masuuliyiinta magaaladda Inshoobin ee dalka Isweden.

Xildhibaanka oo dhawaan u baxay xaalad caafimaad ayaa gudo galay hawlo shaqo oo la xidhiidha sidii ay iskaashiyo wada shaqayneed u yeelan lahaaayeen dalalka Somaliland iyo Sweden.

Guuleed Maxamed Warsame oo ka mid ah xildhibaanada laga soo doortay gobolka Togdheer ayaa mas’uuliyiinta dalkaasi Sweden la wadaagay siyaabaha kala duwan ee ay guud ahaanba dalka ugala hawl gali karaan horumarintiisa, gaar ahaana gobolka Togdheer oo xildhibaankan laga soo doortay, waxaanu sheegay in ay si wanaagsan isku fahmeen duqa iyo ku xigeenka magaaladda Inshoobin.

Xildhibaan Guuleed oo u waramayay wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA ayaa intaasi ku daray in badi masuuliyiinta dalka Sweden ee uu la kulmay ay balan qaadeen inay doorkooda ka qaadan doonaan horumarinta dhinacyada kala duwan ee gobolka Togdheer, iyagoo balan qaaday inay xidhiidho la samayn doonaan masuuliyiinta gobolka Togdheer si ay ugala hadlaan horumarinta gobolka.

Kulamadaasi ayay xildhibaanka ku wehelinayeen xildhibaano SoomaAli ah oo laga doorto deegaanada iyo gobolLada dalka Sweden kuwaaso ay ka mid ahaayeen xildhibaanad Hana Sheekh Cali, Dr. Cabdi Yaasiin iyo Xuseen Cali Xaaji Xasan.