Booliiska Kenya oo baadhaya bukaan iska soo tuuray Fooq

Ciidamada booliiska ee ismaamulka Nayroobi ayaa guda galay baadhitaano ku saabsan dhacdo la sheegay inuu isku dilay mid ka mid ah bukaanka cisbitaalka Qaran ee Kenyatta.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in bukaanka uu iska soo tuuray dabaqa toddobaad ee cisbitaalkaasi.
Dhacdadan ayaa la soo tabiyay abaaro kowdii habeenimo ee habeen hore, Ilaa iyo hadda ma cadda sababta keentay inuu bukaanka naftiisa ka takhaluso.