Somaliland: Xeer-ilaaliyaha guud oo xilka la wareegay

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna Guddoomiyaha Guddida Cadaaladda JSL ayaa xilkii u kala wareejiyay Xeer-ilaaliyihii Guud ee hore iyo Xeer-ilaaliyaha Guud ee Cusub ee Qaranka.

  1. Hargeysa -(GNA)Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna Guddoomiyaha Guddida Cadaaladda Jamhuuriyadda Somaliland mudane Aadam Xaaji Cali Axmed, ayaa Isniinta maanta xilkii u kala wareejiyay Xeer-ilaaliyihii Guud ee hore Xasan Axmed Aadan iyo Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ee dhawaan xilkaasi loo magacaabay Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan, madasha xil-wareejinta waxa ka soo qayb galay isla markaana kalmado mahad-celin iyo soo dhawayn iskugu jira ka jeediyay Garyaqaanka Guud ee Qaranka Mudane Cabdisamad Maal, Ku-xigeenka Xeer-ilaaliyaha Guud Axmed Mire Cismaan, Madaxa Xeer-ilaalinta Gobolka Togdheer Jaamac Ducaale Siciid, Taliyaha Guud ee Ciidanka Asluubta Sareeyo Guuto Axmed Cawaale Yuusuf (Libaax), Hogaanka Hawl-galinta Ciidanka Booliska Sareeyo Guuto Ibraahin Cabdi Xaaji, Garyaqaan Maxamed Jaamac, Cabdisalaan Yuusuf oo ka socday UNDP, Fahmi Cali oo ka socday EUCAP iyo Muuna Xirsi oo ka socotay Xafiiska Horumarinta iyo Barwaaqo-sooranka ee Dawladda Ingiriiska (Foreign Commenwealth and Development office).

Ka sokow kalmadaha masuuliyiinta sare ku xusan, waxa kalmad kooban oo la xidhiidha geedi-socodka guud iyo sida dedaaladu isku soo tarayeen ka jeediyay madasha, Xeer-ilaaliyihii hore mudane Xasan Axmed Aadan, waxaanu is dul-taagay halka uu ka soo bilaabay iyo maanta halka ay marayso, korodhka Xeer-ilaaliyayaasha, kobcinta shaqaalaha iyo taabo-galinta dhismayaal ay ugu adeegaan bulshada loo fidinayo adeega sharci. Geesta kale Xeer-ilaaliyaha Guud ee cusub mudane Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan oo kalmad ka jeediyay madasha ayaa uga mahad-celiyay Xeer-ilaaliyihii hore dedaalka iyo juhdiga uu galiyay, waxaanu xusay in uu halkaa kasii amba-qaadi doono arrimaha u baahan xoojinta iyo tayaynta, waxaanu tibaaxay in uu dhaqaajin doono, shaqada iyo doorka Xeer-ilaalintu ku leedahay hawlaha Qaranka.

Ugu danbayn Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna Guddoomiyaha Guddida Cadaaladda JSL oo xilka u kala wareejiyay labada masuul ayaa ugu horayn u duceeyay Xeer-ilaaliyihii Guud ee hore, ugana mahad-celiyay shaqada wanaagsan ee uu Qaranka u hayay, waxaanu xusay in xilku meerto yahay oo maalinba cid bulshada ugu adeegayso.

Guddoomiyaha ayaa ku dheeraaday halka uu Xeer-ilaaliyihii hore Xasan Axmed shaqada Qaranka ka soo bilaabay iyo sida xilkasnimada leh ee uu marwalba u gudan jiray waajibaadka Qaranka. Guddoomiye Aadam ayaa sidoo kale soo dhaweeyay Xeer-ilaaliye Guud Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan, waxaanu kalmad kooban ka xusay khibrada shaqo ee mudane Cabdiraxmaan Hayaan iyo mudada dheer ee uu ku soo jiray dhigista culuumta sharciga iyo shaqada Garsoorka, waxaanu Ilaahay uga baryay in uu ku garab galo masuuliyada culus ee loo igmay. Guddoomiyaha hoosta ka xariiqay in marwalba ay wada shaqayn wanaagsan leeyihiin Xeer-ilaalinta iyagoo shaqo ahaan kala madax-banaan.

Gunnaanadkii Guddoomiye Aadam waxa uu Xeer-ilaaliyaha Guud ee cusub kula dar-daarmay, uguna duceeyay in uu halkaa kasii amba-qaado koboca iyo geedi-socodka togan ee Xeer-ilaalinta Qaranka, waxaanu si guud Bahda Garsoorka iyo Cadaaladda ugu baaqay in ay is-bar-bar taagaan si wanaagsan oo shariif ahna ula shaqeeyaan.