๐–๐ข๐ฅ๐ฅ๐ข๐š๐ฆ ๐‘๐ฎ๐ญ๐จ ๐จ๐จ ๐Œ๐š๐ฑ๐ค๐š๐ฆ๐š๐๐๐š ๐’๐š๐ซ๐ž ๐ž๐ž ๐Š๐ž๐ง๐ฒ๐š ๐ค๐ฎ ๐›๐จ๐จ๐ซ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐ฒ ๐ข๐ง๐š๐ฒ ๐๐ข๐ข๐๐๐จ ๐œ๐จ๐๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐‘๐š๐ข๐ฅ๐š ๐Ž๐๐ข๐ง๐ ๐š

NAIROBI โ€”(GNA)Madaxweynaha la doortay ee Kenya William Ruto ayaa Jimcihii ku boorriyay Maxkamada Sare ee dalka inay diido codsiga uu u gudbiyay ninka kula tartamay madaxtinimada Kenya ee Raila Odinga, kaas oo kasoo horjeesto natiijadii doorashadii 9-kii Ogosto.

Odinga, oo ah hogaamiye mucaarid ah oo ruug-caddaa ah, isla markaana taageero ka helaya madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo xisbiga talada haya, ayaa Isniintii u gudbiyay dacwad Maxkamadda Sare, isaga oo kasoo horjeeda natiijada codbixintii guusha uu gaaray Ruto.

Siyaasigan oo 77 jir ah, ayaa ku guuldarraystay tartankiisii shanaad ee doorashada madaxtinimo tiro yar 230,000 oo cod โ€“ oo ah wax ka yar boqolkiiba laba โ€” wuxuuna sheegay in uu hayo caddaymo ku filan oo muujinaya in uu ku guulaystay doorashada.

Tan iyo sannadkii 2002-dii, doorashadii madaxtinimo ee Kenya waxay aheyd mid natiijadeeda lagu murmo, iyadoo Odinga uu horay u sheegay in lagu khiyaamay doorashooyinkii 2007, 2013 iyo 2017.

Warqad dhaar ah oo loo gudbiyay maxkamadda, ayuu Ruto ku sheegay in Odinga uu taariikh u leeyahay โ€œkhilaaf joogto ah oo ku saabsan natiijada doorashada madaxtinimo iyo hurinta qalalaasaha qaranka kadib guuldarroโ€.

Wuxuu ku eedeeyay Raโ€™iisul Wasaarihii hore inuu isku dayay โ€œin uu helo fursad kale oo doorasho oo maxkamaddu goโ€™aamiso.โ€

Garsoorayaasha Maxkamadda Sare ayaa Sebtembar shanteeda goโ€™aan ka gaari doona murankan, waxaana haddii ay amraan in la buriyo natiijadii lagu dhaawaqay ay noqoneysaa in doorasho cusub lagu qabto 60 maalmood gudahood.

๐€๐…๐.