Roob khasaare geystay oo deegaamada kamida Gobolka Maroodi-jeex

๐‘๐จ๐จ๐›๐š๐› ๐Š๐š ๐ƒ๐šโ€™๐š๐ฒ ๐๐š๐š๐ซ ๐Š๐š๐ฆ๐ข๐๐š ๐ƒ๐ž๐ž๐ ๐š๐š๐ง๐จ ๐‡๐จ๐จ๐ฌ ๐˜๐ข๐ฆ๐š๐š๐๐š ๐†๐จ๐›๐จ๐ฅ๐ค๐š ๐Œ/๐‰๐ž๐ž๐ฑ ๐€๐ฒ๐š๐š ๐Š๐ก๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐‹๐š๐ฑ๐š๐š๐๐ฅ๐ž๐ก ๐†๐š๐š๐๐ก๐ฌ๐ข๐ข๐ฒ๐š๐ฒ ๐—๐จ๐จ๐ฅ๐จ ๐“๐ข๐ซ๐จ ๐๐š๐๐š๐ง ๐Ž๐จ ๐ˆ๐ฌ๐ฎ๐ ๐ฎ ๐‰๐ข๐ซ๐š ๐€๐๐ก๐ข, ๐†๐ž๐ž๐ฅ ๐ข๐ฒ๐จ ๐ƒ๐š๐ฆ๐ž๐ž๐ซ๐จ, ๐–๐š๐ฑ๐š๐ง๐š ๐ƒ๐ž๐ž๐ ๐š๐š๐ง๐ค๐š๐š๐ฌ๐ข ๐Š๐จ๐ซ๐ฆ๐ž๐ž๐ซ ๐Š๐ฎ ๐“๐š๐ ๐ญ๐š๐ฒ ๐Œ๐š๐ฌ๐ฎ๐ฎ๐ฅ๐ข๐ฒ๐ข๐ข๐ง๐ญ๐š ๐‡๐ž๐ž๐ซ ๐ƒ๐ž๐ ๐ฆ๐จ ๐ข๐ฒ๐จ ๐Š๐ฎ๐ฐ๐จ ๐Š๐š ๐“๐ข๐ซ๐ฌ๐š๐ง ๐—๐ฎ๐ค๐ฎ๐ฎmadd๐š.

Roobkan oo maalmihii lasoo dhaafay ka daโ€™ay Banka Qoryaale ee Degmada Sabawanaag ayaa waxa ku nafwaayay xoolo kor udhaafay ilaa 2000 kun oo Neef kuwaasi oo isugu jira Adhi,Geel iyo Dameero.

Waxana deegaankaasi khasaaruhu ka dhacay kormeer ku tagtay Isuduwaha Wasaaradda X.Xoolaha & H.Kalluumaysiga G/Maroodi-jeex oo uu weheliyo Gudoomiyaha degmada Sabawanaag , iyo qaar kamida kooxa gargaarka degdega ah ee Wasaaradda Xanaannada xoolaha oo gurmad daaweyn iyo nafaqayn ah ufidinayay xoolaha deegaankaasi intoodii hadhay .

Odayaasha, Waayeelka, Wax-garadka iyo maamulka deegaanka Sabawanaag ayaa siwada jira uga xogwaramay isla markaasina usharaxay khasaaraha guud ee ee roobkaasi sababay.

Isuduwaha Isuduwaha Wasaaradda X.Xoolaha & H.Kalluumaysiga Dr Filsan Abdisalaan Abdillahi iyo Gudoomiyaha degmada Sabawanaag Dr Khadar Sh Siciid Nuur ayaa iyaguna Geestooda Kawaramay xaalada ay indhohooda kusoo arkeen xukuumadana ugu baaqay in dadka deeganka ee dhibtaasi ku dhacday gurmad dhinacyo badanleh lala soo gaadho halka Wasaaradda Xanaannada Xoolaha oo gudanaysa waajibaadkeedii shaqo iyana ay arintaasi ka jawaabtay .