Warka aan la faallayn dib looga Arkay Xamaas

Hoggaamiyaha Xamaas , Yaxye Sinwar ayaa ku sheegay dhawaan warqad uu u diray hoggaamiyaha Xuutiyiinta Yemen inay isku diyaarinayaan waji dagaal oo qeyb ahaan ay iska horimaad toos ah la galayaan ciidanka Israa’iil ee ku sugan marinka Qasa, tan lagama bixin sharraxaad iyo sida ay gacan uga siinayso dagaalka Xamaas oo ku tiirsan weerarrada gaadmada ah , mase cadda haddii iska horimaadyada lagu soo aadin karo marka uu bilowdo dagaal toos ah oo ay Israa’iil la gasho Xisbullah.

Iyadoo daruufaha la xiriira diyaaradaha duqeymaha ka geysanaya guud ahaan marinka Qasa illaa madaafiicda ka dhacaya taangiyada Israa’iil ay ka jiraan, ayaa hadana la arkay shalay iska horimaad toos ah oo Rafah ku dhex maray Xamaas iyo ciidanka Israa’iil, markaa oo Israa’iil laga dilay tiro askar ah oo uu ku jiro taliye ku-xigeen guuto. Weerarka oo u dhacay madaafiic iyo qaraxyo lagu dhuftay dhismaha ay ku jireen ciidanka Israa’iil. Si la mid ah muuqaalkii u dambeeyay ee Xamaas ay baahisay ayaa la arkay dagaalyahanno ku dagaallamaya qoriga AK-47 oo gudaha u galaya dhisme ay ku jireen ciidanka Israa’iil.

Xigasho: Iman Jama