Maayarka ma isagaa Dadka niyad jabinaya mise iyagaa Niyad jabiyey?

W.Q. Maxamuud Cabdi Jaamac 

Maayar C/kariin aad baan ugu mahadnaqayaa wax badan buu qabtay oo ay Hargeysi u baahnayd? Wax badana way ka maqan yihiin wali. Waan qirayaa masuul kastaa inuu ku hafanayo Somaliland waayo; waxa kala badan baahida taalla iyo waxa loo qorsheeyey.

Maayar; jidka 150 ku waa 13 km ay ku baxayso 19 milyan. Maanta waa lacag adag oo u baahan in dawladda hoose badka soo dhigto horta waxay u hayso, baaqiga na waa lagu khasban yahah in la iskaashado oo baadi doono.

Maayar, anigoo ixtiraam kuu haya, waxaan deganahay xaafadda 31 ka May jid dhan 3 km bay xaafaddu u baahan tahay, lacagta qaybtayadii guddida xaafaddu ay kugu wareejisay, lacgtaas oo dhan toddobaatan kun oo Dollar (70,000).

Maayar, waxaad balanqaaday sanadkii hore illaa hadana wax kaa hortaagan dadweynaha xaafaddu may garan. Ugu danbayn waxaad balanqaaday bishan September bishii na waa dhamaad.

Bal? Maayar dadka intaas oo sanno ku daba socday ma adigaa niyad jabinaya mise iyagaa ku niyad jabinaya? Dadweyne xaq dawladda hoose ugu leh inay waddo u dhisto oo iyagii kula daba socda lacagtayadan waddo noogu dhis maxaad ku canaanan.

Maayar, waxa intaas ka sii daran wadadii dooxa uga soo talaavaysay ee ay afar cisho ku nafiseen dawlada hoose ayaa goysay halkii aad ka dhisi lahaydeena ciid baad ku sii goyasay.

Maayar, ma adigaaa dadka niyad jab ku abuuray mise adigaa waxba u qaban la’.

Xanaano xaafadaasi ma laha, dhulkii Danta guud ahaa ee xanaanada loogu talogalay adiga iyo Madaxweynaha ayaa sharci darro ku bixiyey oo dad kale siiyey. Digreetadii aad ku bixiseen way haysaa xaafaddu.

Maayar, xaafadda 31 ka May ma qabato waxaad ku samaynaysaa ee xaq badan bay waliba kugu leedahaye dib isugu noqo oo baahiyahan is dul tuulmay dhakhso wax uga qabo.