Ruushka oo shaaciyey Hub cusub oo uu ku baabiinayo Kyiv

Ruushka ayaa maanta shaaca ka qaaday tignoolajiyad cusub oo awood u leh inay dhalaaliso caasimadda Ukraine ee Kyiv , oo ka dhigaysa aag foolkaano ay ka dhacday oo lama degaan ah, sida uu sheegay madaxweynihii hore ee Ruushka , Dmitry Medvedev oo hadda ah ku-xigeenka golaha ammaanka Ruushka ee uu hoggaamiyo Putin.

Weerar nooca ah , ayuu ku sheegay Medvedev inuu meesha ka saarayo adeegsiga bambooyinka nukliyeerka , balse beddelkeeda wuxuu sheegay inay hadda awood u leeyihiin inay Kyiv dhulka ka hoos mariyaan, haddii uu dulqaadku ka dhammaado , iyagoon adeegsan nukliyeer.

Ku dhawaaqistan ayaa u muuqata inuu Ruushka uga jawaabayo go’aanka ay NATO ugu oggolaanayso Ukraine inay adeegsato gantaallada riddada dheer , kuwaasoo dhalin kara khasaaro gaara Ruushka.