Sagaal Dagaal oo Baraha Bulshada kaga Socda Xukuumada Somaliland iyo Shacabkeeda

Sanadihii u dambeeyay Jamhuuriyada Somaliland iyo Shacabkeeda waxa baraha Bulshada kaga socday Dagaalo hor leh ,kuwaas oo lagu beegsanayey sidii loo waxyeelayn lahaa sharafta iyo Karaamada Shacbiga iyo Dawladnimadii lasoo dhisayey 32-ka Sano .

Dagaalada Baraha Bulshada kaga socda Dawlada Somaliland waxa ay isugu jiraa Dhowr nooc oo aanay Bulshadeenu ku baraarugsanayn waxase la gaadhay waqtigii shacabka Somaliland farta loogu fiiqi lahaa Dagaalada Baraha Bulshada (Social Media) ka socda si bulshadu ugu baraarugto oo ay isagaa Caabiyaan Cadawga Somaliland u fadhiya Baraha Bulshada .

■Noocyada Dagaalada Baraha Bulshada kaga Socda Dawlada Somaliland iyo Shacabkeeda .

Dagaalada Baraha Bulshada kaga socda Dawlada Somaliland iyo Shacabkeedu way wejiyo badan Yihiin waxaanay u qaybsan yIhiin Noocyadan .

●Dagaalo lagu weerarayo Sumcada Qaranka sida been abuurka IWM.

●Dagaalo lagu weerarayo Sharafta iyo Karaamada Ciidamada Qaranka

●Dagaalo Lagu weerarayo Madaxda Qaranka Sida Madaxweynaha iyo Golihiisa Wasiiradda .

●Dagaalo lagu Weerarayo Dadka Baraha Bulshada Saamaynta ku leh ee Reer Somaliland.

●Dagaalo lagu Gawaan Raacayo Kala Aragti-duwanaanta Afkaarta Gudaha ee ku saabsan waxyaalaha markaa la isku maan-dhaafsan Yahay sida arrimaha Doorashooyinka ,Furista ururada iyo Guuxa ka dhasha Nidaamka Dimuqraadiyadeed ee aynu qaadanay .

●Tabashooyinka Beelaha oo la buun-buuniyo isla markaana la gaadhsiiyo meel sare.

●Dareenka iyo caadifada Qurba-joogta oo laga faa’idaysto isla markaana Mucaarid iyo Muxaafid la iskaga Horkeeno .

●Shacbiga Jamhuuriyada Somaliland oo Gudohooda la iska hor-keeno iyada oo indhaha Muwaadiniinta lagu Jeedinayo Muwaadiniin kale ,tusaale ahaan degaan Hebel waxa laga Fuliya mashaariic noocaas ah Maxaa Degaankiina looga Fulin waayey .

●Iyo Dagaalo kale oo badan oo aan idinkula wadaagayo Qormooyinka Dambe .

■Qaabkee Shacabka Jamhuuriyada loo Abaabuli karaa Si Dagaaladaas aynu isaga Difaacno .

Shacabka Jamhuuriyada Somaliland waqti Xaadirkan waxa ay u baahan yihiin in la abaabulo isla-markaana quluubtooda la isu soo jeediyo si meesha looga saaro dagaalada gudaha ee Cadawga Jamhuuriyada Somaliland ee Baraha Bulshadu ay ku kala qaybinayaan Muwaadiniinta Jamhuuriyada Barakaysan ee Somaliland .

In Shacabka Jamhuuriyada Somaliland la abaabulo oo Quluubtooda la isu soo jeediyo ma aha wax sahlan oo si Fudud loogu guulaysan karo ,waxayse ubaahan tahay tacab ,dedaal,karti iyo Xeelado Xeer dheer .

Hadaba Qaabkee ugu Fudud ee Shacabka Jamhuuriyada Somaliland loo midayn karaa loona xoojin kara wada-jirka dhexdooda si ay u xoogaysato is-fahamka dhexdoodu ? Su”aashaas Jawaabteeda waxa aan u Dhaafaya Shacabka Somaliland qormooyinka dambena waan idinkula wagaagaya qaabka shacabka loo abaabuli karayo marka aan helo fal-celinta bulshada ka timaaada ee ku saabsan su’aashaas aan idinku soo dhex tuurey.

■ Qurba-Joogta Somaliland iyo Qaabka Looga Faa’idaysan karo Kartidooda.

Qurba-Joogta Jamhuuriyada Somaliland waxa ay ahaan jireen Jaaliyadaha ugu xooga badan ,Jaaliyadaha aduunka dhinaca isku xidhnaanta iyo isku aragtida ,lakiin sanadihii u dambeeyay waxa lagu guulaystay in lakala furfuro oo iyaga la iska horkeeno inta xisbiyo loo kala fadhiisiyo shaadh qabiilna loo xidho .

Xafiiska Qurba-joogta ee Wasaaradda Arrimaha Dibeda Somaliland waxa hortaala shaqo adag oo ah sidii ay u midayn lahaayeen Qurba-joogta Jamhuuriyada Somaliland ee ku nool Daafaha Dunida si ay qayb wayn uga qaataan dhismaha iyo Horumarka Qaranka .