Xalka Somaliland iyo Soomaaliya waa inay noqdaan laba Dal 

Marka ay maskaxdaada ku istaagto uun bari baan Jamhuuriyadda Somalia, ahayn uun ee in ka badan 33 sano uun aad halkii tagantahay waa musiibo aafeheega le.

Ka bilaw, wakhtigii Somaliland ka tagtay Somalia ilaa hadda wax iska badalay ma jirto taasi oo ay u dheer tahay in caalamka oo dhan isku yimid in dawlad adag oo dhulkeeda xukunta loo dhiso, se lagu guul daraystay dhamaan isku daygii oo dhan.

Dawlada Villa Somalia xitaa 4KM oo Moqadisho ah kama taliso ( Stuck in 1990 )

Maxaa caalamka loo duwan galiyey Somalia ( The World’s most failed State) amba ( one of the most fragile State)

Somalia maxaa dib u dhigay intaas oo dhan?

Waxa dib u dhigay dulmigii ay dhexdooda isku sameeyeen iyo kii ay Somaliland ku sameeyeeyn ilaa haddana ay fahmi laayahiin halka ay salaadu ka xidhmi laadahay.

Shaqo nooce ah baa u taala Somalia 🇸🇴 oo ah in ay ahmiyada kowaad siiso?

A: Waxa u taala in ay dhexdooda dib u heshiisiin sameeyaan ( National Reconciliation 🤝)

B: Degenaasho iyo Nabad ku soo dabaalan dalkooga ( Peace And Stability)

C: in ay dhisaan hayadihii dawliga ahaa oo dhan ( Governmental Institutions)

D: Dasduur (Constitution) Iyo, wax yaalaha kale ee dawlad looga baahan yahay

Ayagoo oo aan maamulin dalkoogii ayey hadana ku mashquulsanyahiin wax aan dan ugu jirin.

Arrinta Somalia iyo Somaliland

Somaliland waxay ahayd wadankii ugu horeeyey shanta Somaliyeed ee xornimo helay ( Somaliland was the most senior Somali nation that got independence from the colonial powers) ee hadana iskii ugu biiray Koonfur yadoo qastigu ahaa in la isku keeno shanta Somaliyeed ee kale ahaa.

Koonfur,Djabouti NFD iyo Somalida Ethiopia 🇪🇹 degta, se may dhicin taasi se waxa dhacay in dawladi ( Civil ) ahayd la afgamiyo kadib uu yimaado ( Dictatorship Rule) gaystay wixii ka dhacay Somaliland ee xasuuq, iyo in la dumiyo dhamaan wixii uu hanti lahaa wadanka, dadkiisina ay noqdeen qaxoontiyo ku jira kamamkii Itoobiya.

Yadoo, aan lagu soo koobi karin halkan sababihi Somaliland uga tagtay Somalia halkan, hadana waa wax qofkasta oo reer Somaliland ah ogyahay.

Dalka Somaliland wuxu ka maqan yahay Somalia 33 Sano ku dhawaad, halka Somalia wali ku jirto 1990 ( Stuck in 1990 )

Wali koonfur waxay ku jirta riyo dheer ee tallow ma lagu dhaarta in ay Somaliland ka tagtay 1991 kii?

 

Somaliland waxay dhisatay dal dhamays tiran oo dhamaan leh wixii dawlad looga baahna oo dhan tacab, maal iyo nafba galiyeen si ay sharaftoodii u soo ceshedaan.

 

Reer Koonfuroow? ma kula tahay in wadan 33 sano jiray oo Somalilander 1991 dhashay uu ka baxay jaamacadaha Somaliland uu maanta ku jiro kuwa xukuma dalka in uu soo noqon karo ?

Dhagax dhiig miyaa laga soo saari karaa?

Jawaabta waa may oo fudud, sidaas bay Somaliland ku tagtay ee intii aad samayseen samayseen maanta tasho adiguna kana fakir in aad bal wixii hore wanaag ka daba gayso oo aad ka baxdo riyada cad ood u hambalyso Somaliland oo ku biiraysa caalamka soona dhawaysa, haddii kale ogow Somaliland way tagtay caalamka waa ku biirtay adna taarikh madaw oon la maydhi doonin baad ka tagtay.

 

Djabouti iyo saddexda kale maxay ku yeeleen? waa kuwaas ka maqan shantii Somaliyeed ee ?

 

Waxa la noqon kara laba wadan oo jaar ah oo dano badan oo dhaqaale wada yeesha oo xulufo wada yeesha ileen waa tan carab wada carab ah ee hadana kale dawlado ah ee xidhiidh fiican iyo mid dhaqaale ka dhaxeeyo.

Maanta Somalia 🇸🇴 waxay haysta fursadii u danbaysay ee ay Somaliland ku raali galin lahayd yadoo ah in ay wixii ku dhacay ugu badasho in ay yada uga horayso Citiraafka wadamo shisheeye faraha uga qaado faro galinta arrimaheega oo dhan.

Xalka Somalia 🇸🇴 iyo Somaliland waa laba dawladood oo jaar ah oo ahaada jaar fiican oo dano dhaqaale ka dhaxeeyo lana joojiyo cadaawada la abuurayo oo dhan.

Waxa Qoray Omar ( OMJ )