Xasan Sheikh oo quus ka joogga in Itoobiya ka laabato Heshiiska Somaliland

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa sheegay in aanay jirin wax muujinaya in Itoobiya ay dib uga laabanayso heshiiskii is-afgaradka ahaa ee ay kala saxeexdeen Somaliland horaantii sanadkan, kaasoo ay dawladdiisu deddaal badan oo ay ku hungowday ku bixisay sidii ay u fashilin lahayd.

Waji gabaxii ugu xumaa waxay kala kulmeen maamulka Xasan Sheikh wadahadalladii Turkigu u qabtay iyaga iyo Itoobiya “Ma jiraan wax calaamado ah oo muujinaya in ay Itoobiya ka soo laabanayaan waddadaas,” ayuu yidhi Xasan sheikh

Hadalkan ayuu sheegay kadib markii ay dalka Turkiga ay ku soo dhamaadeen wada hadal u dhaxeeyay dowladaha Itoobiya iyo Soomaaliya, kaas oo aan wax natiijo ah laga gaadhin.

Warka iminka ka soo baxay ayaa muujinaya inuu quus ka joogga inay Itoobiya ka laabato Heshiiska is-afgarad ee dhex maray Somaliland.

Si kastaba ha ahaatee Itoobiya ayaa dheg u dhigin cambaarayn iyo ficillo badan oo ay Somaaliya isku dayday inay ku joojiso xidhiidhka u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya.