Weftiga Guddoomiyaha Kulmiye iyo Degmada Sabowanaag

Wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna wasiirka arrimaha gudaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamed Kaahin Axmed oo safar shaqo ku maraya qaar kamid ah deegaammada dalka, ayaa maanta si diirran loogu soo dhaweeyey degmada Saba-wanaag ee gobolka Maroodi-jeex oo ay hawlo shaqo ku tageen.

Dadweyne tiro badan oo ku lebbisan midabbada kala duwan ee uu ka kooban yahay calanka xisbiga KULMIYE oo ay hoggaaminayaan maamulka degmada, xildhibaanno iyo haldoor kale, islamarkaana caleemo qoyan lulaya, ayaa guddoomiyaha iyo weftiga uu hoggaaminayo ku qaabilay duleedka magaalada Sabawanaag, waxana ay u gelbiyeen goob fagaare ah oo xubnaha weftiga ahi ay shacabka kala hadleen.

Madaxda degmada Sabawanaag, xildhibaanno katirsan goleyaasha wakiillada iyo deegaanka caasimadda Hargeysa oo degmada kasoo jeeda, salaadiin, cuqaal, haween, siyaasiyiin xukuumadda xilal kala duwan ka haya, qurbejoog, iyo haldoor kale oo halkaas ka hadlay, ayaa soo dhaweeyey guddoomiyaha iyo weftiga uu hoggaaminayo, waxana ay hoosta ka xarriiqeen in bulshada reer Sabawanaag taageero laxaad leh u hayso xisbiga KULMIYE iyo murrashaxiintiisaba.

Wasiirka wasaaradda Qorshaynta iyo horumarinta qaranka, Mudane Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), la taliyaha madaxweynaha madaxweynaha, Mudane Cali Maxamed Warancadde, Siyaasi Farxaan Aadan Haybe oo kamid ah golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE oo madasha ka hadlay, ayaa bulshada reer Sabawanaag uga mahadnaqay sida karaamada iyo kalgacalka leh ee ay usoo dhaweeyeen, waxana ay sharraxeen waxqabadka baaxadda leh ee xukuumadda KULMIYE ka hirgelisay degmada Sabawanaag iyo deegaannada hoos yimaadda.

Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE, Mudane Cabdicasiis Maxamed Samaale, guddoomiye-ku-xigeenka labaad, Mudane Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi-dheere) iyo xoghayaha garabka haweenka heer qaran, Marwo Sahra Saleebaan Cawil oo hadalka u kala dambeeyey, ayaa u mahadnaqay shacabka iyo teegaarayaasha KULMIYE ee degmada Sabawanaag, waxana ay xuseen in xukuumaddu wax badan ka qabatay gudaha degmada, haatanna diyaar u tahay in qayb laxaad leh laga qaato qabyooyinka degmada ka jira.

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna wasiirka arrimaha gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, ayaa dhankiisa ku dheeraaday taariikhda mucda leh ee ay degmada Sabawanaag leedahay iyo sida ay xisbiga KULMIYE mar kasta muhiimadda gaar ahaaneed u siiyaan, waxana uu ka mahad celiyey soo dhaweynta aan kala hadhka lahayn ee lagu qaabilay.