Calaf iyo Wad mooyee Ciiddeenu waa Hodan…Aadan Black

“Calaf nimaan lahayno cuninwayey mooyee carradaynu joogniyo ciideenu waa hodan..”
somaliland waxay dhacdaa Geeska Afrika, taasi oo udhexaysa dhigaha 08°00′ – 11°30′ waqooyiga dhulbadhaha iyo loolasha 42°30′ – 49°00′ ee bariga green wich Waxa dhinaca galbeed ka xiga wadanka jabuuti, dhinaca koonfureed wadanka itoobiya, iyo dhinaca bari oo ka xigto maamul-goboleedkas soomaliya Somaliland waxay leedahay xeeb-badeed dhererkeedu le’eg yahay 740 kilometres (460 mi);viyo dhul baaxadeedu le’eg yahay 176,120 km2 (68,000 sq mi).[8] Somaliland waxa ay dhul ahaan fidsantahay 137000 km laba jibbaaran dhulaka ay ka koobantahya jamhuuriyadani waxa uu u badanyahay dhul deegaana am waaba lawada daganyahay waxa uuleeyahay buuro iyo meelo banaan ah haddii laysyiraahdo taariikhda uu wadankani leeyahay iyo taariihda uu shacabkani leeyahayba ka sheekeeya waxay noqonaysaa mid aad u dheer.

Intaas waxay igu tahaya hogatausalayan iyo tilmaan aan kabaxiyo guud ahan dhulkeena hooyo .
Haddaba hadaan usoo laabto mawduucaayga aan rabo inan idinku ku jalbaabiyo ee an kuu tilmaamayo carradeena iyo dhulkeena inay hodan tahay,waakan ee baldhug uyeesha
dalakasata oo dunida katirsan waxa uu leeyahay khayraad dabiici ah oo ugaara inaksta oo khayaradakoodu kala aduwanyahay hadana, wadan wallaba waxa uu aqoonsadaa uu kafaa’idaystaa khayraadkiisa dabiiciga ah iyagoo aan wadana ukalasarin ama uusan aamini in khayaradakiisu kuyaryahay, ama anu waxatar ulahayan iyagoo aqonsada karatidooda ,tayadooda ,iyo weliba xirfadahooda aqooneed ee uu dlakaa dadkiisu leeyahay.
Sidaa daraadeed wadankeena soomaliland inkasta oo uu haaatan weli aqoonsi caalamiya aanu kahelin beesha caalamka , hadana waxaa uu leeyahay oo uu alle inagu galaday khayraad dabiiciya oo aanan qoraalkan kusoo koobi karin balase aan jecelahaya inaan waxayar kataabto inta ugu mudan oo aan tilamaamo kuwaas oo kamid yihiin , xoolaha nool , sida gela lo,da adhiga gamaanka iyo dhanka kele khayaraadka kawniga aha sida khayaradaka badaha , khayaraadka xabkaha iyo faleenaka sida beeyada iwm .
Waxa kele oo uu alle inagu galaday dhul aad ubaaladhan oo fidsan maalaayiin mile oo kuwaas oo ay dhulka aqaarkood dul qulqulayaan biyo aad ubadan oo aan webiyada waxba kadhicin, waxaase nasiib wanaag in dhulkaa berriga iyo biyaha leh ay agtooda iyo hareerahooda kufidsanayahay dhul beeraha iyo dalagayada ,kala duwan kuhaboon dhulkas oo aan hubo hadii tacab lageliyo faqriga lagaga bixi lahaa dawlad ahaan iyo umada ahaanba, sidoo kelena aaynu kadhaxli lahyn koboc dhaqaale oo ina ina anafaca ,inkasta oo dawlada somalilnd taagteedu ay yaratahay hadana waa mid inagu waajib ah umadaeena iyo d’a yarteeda aynu milicsano khayaradaka islamarkaana sidhaba u dhugano waxaana isleeyahay hadii ay dadkeenu baraarugaan waxaay tabci karaan oo tacab badan oo lagu baahi baxo dadkuna kusamato baxo xiliyada adag.
inkasta oo dadkeena aqoonyahanka iyo iyo bulshada inta waxfahanatay ay dadaal dheer kubixiyaan sidii aynu midhihiisa uguranlahayn, ugana faa idayasan lahayn hadana waxaa ina saran waajiba ka abulsho ahaan inagaoo isku duuban inaan fadhiga kakacno oo ayanu beerano dhulkeena hodanka alle inooga dhigay si aaynu ugamaarano inaynu dawrsano ,umada kele oo dhigeena aha oo hore utashaday.
Intaa waxaa inoo dheer oo isna alle loogu mahadanaqaa xeebo dhaadheer oo alle sida mareegta inoogu maray kuwaas oo uu ceegaago kalluunkii oo caynwalbaba ah nasiib adaro se ay garab socdaan dadkeenii oo gaajo iyo baahi ladarayayesan oo aan aqoon yo tababara fiican ulahayan habka wax looga ajilaabto bada haday, kalluuntahaya iyo haday, khayarada dabiiciya oo kele oo kele tahayba waana nasiibwanaag iyo nasiibdarro is gudub socda waxaanse alle karajaynayaa inuu inaka yeelo kuwa mustaqbalka dhaw kafaa idaysata aqoonteda iyo xirfadeeda buuxdana alle inasiiyo ,

soomaliland ayaa markele haysata khayraad kala duwan oo aan ahayn kuwaa aan hore usoo sheegnay kuwaas oo aan weli lahadalhaynba ,in lalasoo baxo haba danbaysee , waxaana kamid ah macadanta kala duwan ee ku teedsan godanada iyo taagaga kala duwan ee dhulkeen bari ilaa galabeed waqoyi ilaa konfur waase toows dhow iyaduna inlaalsoo baxo ee bushaaro ,
waxaa kele oo kamida khayaradakeena hodanka ee adabeeciga ah hodantinimada dalkeena ee xabakaha iyo faleenka noocayadiisa akala duwan taas oo dunida naadir ay kuatahaya inlagahelo marka laga reebo, dhulkeena hooyo hodanka. sidoo kelena welidadkeenu uma hagarbixin umana soo jeesan dhankiisa iyada oo ganacasigeeda iyo dhoofinteeda dadlka iyo dalkuba macaash adag oo lacagaeed iyo koboc dhaqaale oo lamahadiyo lagahelilahaa ayaa isugana inasugaya goorta aan dhankiisa usoo dhaqaaqi lahayn, hadii alle idmose waa guulkele iyo fursado kele oo aan dadka dheernahay .
haddaba akhristayaal waxaaan qoralkayaga hore kusheegay inay abla -ablayn iyo guudmartahay ee hoos udaadadegii aanan weli udhaadhicin balase aan rajaynayo inaan si mug iyo baaxad leh ,ugahadlidoono oo intaansina iga tahay barbilow iyo hordhac.
waxaanan kusoo ururinyaa qormadan aan dheereyn tuducan maanso oo macanao ahaan sidhaw iyo sidheerba utilamaamaya dhiirigelinayana ina dhulkeenu hiil iyo hooba inooga baahanyahay inaguna ubaahanahay isaga inaynu is afgarano oo aan tabacano si aan faqriga daaqada uga saarano innagoo wada jirna muruq iyo maskaxaba .

Qore/Aadan jamac black