Maxkamadda sare oo diiday gal uga yimi Guddida Doorashooyinka

Maxkamadda Dastuuriga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland oo go’aan ka soo saartay arji ay dhawaan u soo gudbiyeen Guddida Doorashooyinka Qaranka JSL.

Maxkamadda Dastuuriga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland waxay diiday arjiga ku taariikhaysan 04/07/2023 ee ay Guddida Doorashooyinka Qaranku u soo gudbiyeen Maxkamadda Saree e JSL ahna Maxkamadda Dastuuriga ah, ujeedadiisuna ahayd fasiraad sharci.

Maxkamadda Dastuuriga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland waxay faraysaa Guddida Doorashooyinka Qaranka JSL in ay cayimaan wakhtiga doorashooyinka maadaama ay tahay awooddooda sida uu dhigayo Qodobka 16aad ee Xeerka Doorashooyinka Guud Xeer, Lr. 91/2020, faqradiisa 1aad.

Ibraahim Maxamed Cali

Madaxa Waaxda Warbaahinta Maxkamadda Sare